Maamulka Gobolka Saaxil Oo Tacsi U Diray isu-duwihii Hay’adda Dhawrista Tayadda Saaxil oo Geeriyooday

0
494

Berbera (Dawan):  Badhasaabka gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, Xoghayaha gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan, badhasaab ku-xigeenka gobolka Saaxil, Maxamuud Axmed Ibraahim, maayarka degmadda Berbera C/shakuur Maxamuud Cidin.

Maayar ku-xigeenka Berbera, isu-duweyaasha wasaarradaha  iyo hay’adaha dawladda ee gobolka Saaxil iyo dhamaanba shaqaale weynaha xafiiska badhasaabka iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil.

Waxay tacsi u dirayaan Marxuum Sahal Cawil Warsame, oo ahaan jiray isu-duwaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha Somaliland ee gobolka Saaxil oo shalay ku geeriyooday Hargaysa, isla shalay-na lagu aasay magaaladda Hargaysa.

Waxaanay marxuumka ALLE SWT uga baryayaan in uu jannooyinkiisa ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qarraabadda, iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Leave a Reply