Maxkamadda Gobolka Sool Oo Bur-burisay Khamri Dhan 285 Litir

0
521

Laascaanood (Dawan): Maxkamadda gobolka Sool ayaa maanta xukunno isugu jira xadhig iyo ganaax lacageed iyo gaadiidkii ay wateen-ba ku riday dad si sharci daro ah dalka u soo galiyay maandooriyaha Khamriga.

Khamrigaasi  oo ka koobnaa 285 Quraarradood ayaa shalay lagu hor bur-buriyay afaafka hore ee maxkamada gobolka Sool.

Kaasoo lagu soo qabtay hawl-gallo ay dhawaan sameeyeen  ciidamadda booliska gobolka Sool, isla markaana laga soo qabtay meello kala duwan.

Iyadoo dadkii watay qaarkoodna ay baxsadeen, halka qaarna la soo qabtay oo maanta ay maxkamadu xukunno ku riday.

Waxaana bur-burinta Khamrigaas goob joog ka ahaa maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood iyo masuuliyiinta maxkamadda gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa goobta joogay taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Goono.

Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa  ciidanka Booliska ku bogaadiyey dedaalada ay gobolkaas ka wadaan iyo sida ay ula dagaalamayaan mukhaadaraadka sida sharci darada ah dalka loo soo galinayo.

Waxa kaloo badhasaabku sheegay in Khamrigu uu yahay hooyadda xumaanta oo dhan, sidaas darteedna ay xaaraan tahay ka ganacsigiisu.

Maayarka degmada Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku bogaadiyay ciidamadda booliska sida wanaagsan ee ay uga hawl-galeen soo qabashadda Khamriga.

Waxaanu ugu baaqay dadka Khamriga soo gelinaya dalka in ay iska daayaan, maadaama oo lagu jiro bil Ramadaan.

Geesta kale garsooraha dacwadaas ka garnaqayay ayaa sheegay in dadkii watay Khamrigaasi iyo gaadiidkii ay wateen-ba lagu xukumay xadhig iyo ganaax lacageed.

Waxaanu garsooruhu fariin digniin ah u ddiray dadka ku hawlan soo gelinta Khamriga ee dalka,  isagoo-na sheegay in cidii lagu soo qabto ay maxkamaduhu ku xukumi doonaan dambiga lagu helo.

Dhinaca kale waxa halkaas ka hadlay taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Goono, waxaanu uga digay dadka isku daya in ay Khamri soo geliyaan gobolka in ciidamadu ay kaga soo qabanayaan meel kastoo ay ku arkaan.

 

Halkan Ka Daawo Sidii Loo Bur-buriyay Khamrigaasi:

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

 

Leave a Reply