Magaalada Lawyacado oo Laga Bilaabay Dhismaha Waddo

0
686

Saylac-  Roobab lixaadleh oo maalmihii ugu dambeeyey ka da’aayey gobolka Selel degaano ayaa sababay in ay kala xidhmaan magaaladda Saylac iyo degaanadda hoos yimaadaa, waxaana dhismaha waddooyin carro tuul ah degaanadaas qaar kamid ah ka bilawday dawladda hoose ee degmada Saylac iyo wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Sida uu kusoo waramaayo weriyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaaladda Saylac Maxamed Cawaale Daahir waxa degaankaas gaadhey gaadiid ay lee dahay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, kuwaas oo waddo cara tuul ah ka bilaabay degaanka Lawya-cado ee gobolka Selel.

Dhigista wadadan Caro tuulka ah oo la filaayo in ay wax weyn ka tarto isu socodka degaanada ay roobabku jareen waxa goob joog ka ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabouti Cabdifataax Siciid Axmed , waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Maayirka degmada Saylac Md Sacad Daahir Cige , waxaanu tilmaamay in ay waqtigan kala xidhan yihiin degmooyinka Saylac, Toqoshi iyo Lawyacado,waxa uu sidoo kale sheegay in ay kala xidhan yihiin Saylac iyo Aasha Cado, kuwaas oo ay sababeen roobabkii kala dambeeyey ee degaanadaasi ka da’ay.

Waxa isna goobtaas ka hadlay Badhasaabka gobolka Selel Md Mawliid Maxamed Nuur  oo sheegay in waqtigan laga shaqaynaayo wadada dhex marta magaaladda Lawyacado oo 2 Km ah, taas oo loo dhamaystiri doono dhamaan waxyaalaha ay u baahan tahay, waxaanu si weyn ugu mahadnaqay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md Cabdilaahi Abokor  oo isagu bixiyey qalabka wadadan lagaga shaqaynaayo .

Leave a Reply