Wadamada Caalamka Oo Siyaabo Kala Duwan Ugu Isticmaalay Technology-ga Casriga Ah La Dagaalanka Xanuunka COVID-19.

0
575

Wadamada Caalamka ayaa siyaabo kala duwan ugu isticmaalay la dagaalanka xanuunka Corona Virus qalabyo kala duwan oo Technology-ga, waxaana shirkaddii ugu horeysay noqotay  shirkadda Seegene oo laga lee yahay wadanka Kuuriyada Koonfureed, waxa ay khubarrada shirkaddani ku guulaysteen in ay isticmaalaan qalabkan si ay u ogaadaan xaaladda xanuunkan , ka hor inta aanu xanuunkani dibada uga soo bixin qofka , waxaana dawladda Kuuriyada Koonfureed shirkaddan ka codsatay in ay samayso qalab kan oo kale ah oo cisbitaalada la dhigo ,si dadka xanuunkani hayo loogu baadho, waxaana markiiba la dhigay 119 cisbitaal iyo goobo kale oo caafimaad , iyada oo lagu baadhay dad 500,000 oo qof ah  lixdii toddobaad ee ugu horeeyey.

Waxa iyaguna arrimahaas ka shaqaynayey shirkaddaha isgaadhsiinta ee Kuuriyada Koonfureed , iyaga oo adeegsanaayey Dayax gacmeedyadooda iyo kamarado lagula soconaayo dadka oo lagu ogaanaayo in uu xanuunkani jidhkiisa ku jiro iyo in kale, iyada oo lala soconaayo sida uu u soconaayo iyo heer kulka jidhkooda, sidoo kalena waxay fududeeyeen in la helo khariiradaha goobaha uu sida weyn ugu fidaayo xanuunkani, iyada oo looga digaayo dadka muwaadiniinta ah goboladda uu sida weyn ugu fidaayo xanuunkani.

Qalabyada kala duwan ee Technology-gu meelaha uu sida weyn uga shaqeeyey waxa kamid ah, wadanka Shiinaha oo baadhitaan ku sameeyey Unugyadda Fayraskan, iyaga oo qalabyo kala duwan u adeegsanaaya, waxaanay ku qaadatay badhitaankani bil keliyaata, waxa ay sidoo kale ku baadheen qalabkan kala badh dadka dalkasi bishaas gudaheedii, iyaga oo raacaaya wadadii ay ku baadheen xanuunka Saaris sannadkii 2013-kii.

Qalabyadani waxa ay sidoo kale fududeeyeen baadhitaanada deg dega ah ee xanuunkan , gaar ahaana goobaha  ay ku badan yihiin dadka uu xanuunkani haleelay, iyada oo ay cisbitaaladdu si fudud u kala saari karaan dadka daweynta deg deg ah u baahan iyo dadka xanuunkoodu fudud yahay , isaga oo sheegaaya qofka xanuunkani hayo ee u baahan daweynta gaarka ah iyo dadka u baahan in si joogto ah loola socdo, waxa uu sidoo kale qalabkani si fudud u sheegayaa dadka aan cisbitaalka u baahnayn gurigiisana joogi kara, isaga oo Karantiil ku ahaanaaya,wadanka Faransiiska ayaa isna qalabyadan si weyn uga faa’iidaystay , iyada oo dadka aad loogula soconaayey goobaha ka baxsan Cisbitaaladda .

Waxa iyaguna iskaashi ka yeeshay qalabyadan soo saaristooda Jaamacadda New York ee Maraykanka iyo cisbitaaladda dalka Shiinaha qaar kamid ah in ay soo saaraan qalab cusub oo lagula socon karo dadka bukanka ah ee xanuunkani ku dhacay, gaar ahaana dadka uu xanuunkani difaacyadooda daciifiyey , sidoo kalena wadamada Shiinaha iyo Hindiya ayaa u adeegsaday xanuunkani Robots qalab ah ,iyada oo uu qalabkani qaabilsanaa dhiiga qofkaas qaadistiisa iyo baadhistiisa  qofka uu xanuunkaasi ku dhacay ,iyaga oo si deg deg ah markaaba u shaacinaayey natiijadda baadhitaanadda ay sameeyeen.

Machadka dalka Qatar ee Technology-yada ayaa isna soo saaray qalab lagula dagaalamaayo xanuunkan, kaas oo si fudud loogula soconaayey xanuunkan iyo dadka uu ku dhacay , waxaanay dadku ku isticmaalayeen qalabkan guryahooda , ka hor inta aanay iman goobaha cisbitaaladda ah.

Dhinaca kalena caalamka Computers-ka waaweyn lagu isticmaalo , sida shirkaddaha Dhimayt oo ay lee dahay shirkaddaha Google iyo IBM Samet , waxa ay u isticmaaleen baadhitaanadda xanuunkan ilaa 8000 oo Computer, si ay natiijo uga helaan xanuunkan, iyaga oo aan awood u yeelan in ay natiijo intii hore ka faah faahsan kasoo saaraan xanuunkan, iyaga oo ugu dambayntii kasoo reebay 77 Computer oo ay ugu talo galeen in ay yaallaan goobaha cisbitaaladda, inta kalena waxa ay dhigeen goobaha Karantiimada iyo goobaha dadka xanuunkani soo ritay lagu daweeyo ee ka baxsan cisbitaaladda, iyada oo qaarkoodna lagaga shaqaynaayo sidii loo soo saari lahaa Talaal xanuunkani yeesho.

Waxa aan shaki ku jirin in qalabkan Technology-gu uu lee yahay Faa’iidooyin badan , iyada oo culimada caafimaadku ay kaga nasteen shaqooyin  dadka ku qaadan lahaa muddo dheer qabashadooda, laakiin haddii aanu qofku is ilaalin naf ahaan, waxba uma tari karo qalabkan Technology-gu.

 

Leave a Reply