Somaliland: Tirada Dhimashada ee Covid-19 oo Korodhay

0
530

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi iyo Agaasimaha guud Dr Maxamed Cabdi Xeergeeye oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in 11- qof oo  cusub oo laga helay xanuunka Corona Virus.

Ugu horeyn wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi  ayaa sheegay in 60 qof oo la baadhay  laga helay 11 qof oo kamid ah xanuunka Covid-19, isaga oo qof kamid ah 11- kaas qof ee cusub uu ku geeryooday magaaladda Hargeysa .

 

“lixdan qof oo aan ka qaadnay dhiigaga waxa xanuunka laga helay 11 qof, waxana ka mid ah hal qof oo ku geeriyooday Hargeysa Alle haw naxariistee “ ayuu yidhi

 

Tiradda guud ee ilaa hadda xanuunka laga helay dalka ayaa wasaaraddu ku sheegtay in ay dhan tahay 23 qof , iyada oo saddex qof oo kamid ahi ay geeryoodeen .

Kow iyo tobankan qof ee  xanuunka laga helay  ayaa kala jooga magaalooyinka Yuufle oo gobolka Sanaag ah , magaaladda Burco ,Magalaadda Hargeysa  iyo Boorame .

Geesta kalena Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo goobtaas ka hadlay ayaa cadeeyey in adeega caafimaadku yahay mid fiican oo mashiinkiina shaqaynaayo, waxaanu beeniyey warar dhowaan lagu qoray baraha bulshada oo ay inani kaga cabatay cisbitaalka guud ee Hargeysa, isaga oo tilmaamay in inantaas cabanaysay loo adeegay ,isla markaana xanuunka laga waayey.

Wasiirka ayaa bulshada ku bogaadiyey in ay kala fogaadaan, isla markaana ay taladda bahda caafimaadka Qaataan.

Leave a Reply