“Lixda Carruura Aabahood Waanu kala Tagney Waxna Ma Qabto Maantuubay noogu Daran Tahay” Hooyo Yurub Maxamuud Axmed

0
909

Qore Khadar Maxamed Xaashi

Hargeysa (Dawan) Hooyadan waxaa ku kulmay dhawr xannuun oo goobaha yar-yar ee adeegyada caafimaad bixiya ee (Farmasiiyadu) ay u sheegeen in ay qabto, sida xannuunka Romatiisanka, wajigeedana waxaa ka muuqday barar ka dhashay Kelyo xannuunka, kadib markii ay tahli kari weyday goob caafimaad oo si guud uu baadha xannuunada hooyadani halleelay heynteeda dhaqaale oo hooseysa darteed.

Xannuunadda ILLAAHEY keeno waxaa u dheer xannuuno kale oo ay u keeneen, legdenka duruufaha dhanka nolosha ee ku xeeran, kadib markii ay kala tageen saygeedii ay adduunka ugu jecleyd oo kaga tagay lix carruura, korintooda iyo kaalin galintoodana ILLAAHEY mooyaane aanay jirin cid kale oo ay miciin ka sugeyso, korinta ciyaalka markii hooyaddani kali ku noqotay waxaa ay awooda saartay in ay calooshooda buuxiso oo ay gaajada ka saarto, balse baahida ubadku waa mid intaasi ka balaadhan una baahan wax kasta oo qayrkood hellaan in ay helaan, sida waxbarashada, hu’ ay xidhaan oo qurux badan, goobo ay ku ciyaaraan ku qaataan wakhtiga, wax ay cunaan mana garanayaan waala waayay iyo waala haya midna, kamana warqabaan waayaha gagadoonka leh ee loo maro raaligelintooda, haday tahay mid cunto iyo mid cabitaanba.

Waxaa ay ku jirtay makhsin jiingada oo ay kiro ugu jirtay, islamarkaana ay deganayeen iyada iyo lixdeeda carruur ahiba, balse markii ay weyday awood ay iskaga bixiso maqsinkii jiingada ahaa waxaa ay hooyadeed u baneysay Buul Somali ay geli jirtay, waayaha dhanka nolosha ee guriga hooyadeed yaala waa mid ka culus kan iyada iyo awlaadeeda heysta, halkan waxaa joogta hooyadeed oo aad u xannuusaneysa oo aan kicitaan ku jirin, Aqallkan iyada ay hooyadeed u baneysay Buul Soomaali kale oo dhanka galbeed kaga soo jeeda waxaa hoostiisa jiifa iyada walaalkeed oo aan kicin loona waayay awood dhaqaale oo dhakhaatiirta lagu geeyo, islamarkaana ay dul joogaan ubadkiisi iyo marwadiisi oo duruufta heysa ay wajigooda ka muuqatay.

Hooyo Yurub Maxamuud Axmed, waxaa ay Qaadka iyo Shaaha ku iibiin jirtay meherad yar oo ku taala xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, taas oo ay uga soo saari jirtay masruufka Hooyadeed iyo ubadkeeda, oo ay sheegtay in aanay wakhtiga ILLAAHEY mooyaane aadame u baahneyn.

Masiibada adduunyada ku soo biirtay ee xannuunka Covid-19 awgii ayaa xukuumadda Somaliland iyada oo ka duuleysa badqabka bulshadeeda waxaa ay joojisay muddo 25-cisho ah qaadkii dalka soo geli jiray, kaas oo ay ku tiirsanaayeen qoyskan iyo qoysas kaleba, imika hooyadani waa bila camal xannuun weheliyo, iskana dhex fadhida guriga.
Waxaa la gaadhay 15-kii danbe ee Ramadaan, waana xiligii Aabo iyo Hooyo kasta ay awlaadooda geynayeen goobaha lagu iibiyo dharka iyo kabaha (Carwooyinka) si ilma kasta uu uga soo doorto wixii uu ku ciidilaha ee uu jecel yahay, si ay ugu ciidaan, islamarkaana ay farxada ula qaybsadaan carruurta dhigooda ah, balse Hooyo Yurub iyo awlaadeedu arrintaasi maanka iyo miyirka kuma hayaan ee waxaa ay ka war-warsan yihiin wixii ay cuni lahayeen ee ay gaajada kaga baxsan lahaayeen, faraxa iyo ciidu ha joogte.

Gaba Gabadii

Waxaa Hooyo Yurub Maxamuud Axmed ay dawladeeda, Muslimiinta iyo dhammaanba dadka muxsiniinta ah ka codsaneysa in ubadka loo soo ciidsiiyo, islamarkaana iyadana lala raadiyo dhakhaatiir u sheega nooca uu yahay xannuunka hooyadani haya.
Maada ay xidhantay Inshii dhaqaale ee ay wax kala soo bixi jirtay, cidii ILLAAHEY dartii wax ugu tareysa hakala xidhiidho telefoonkeeda gacanta ee 0634084665, wixii aad ku caawineyso si ILLAAHEY balaayada ku garab mariyo kagana badbaadiyo xannuunada dadka sida xun u dila caawi walaal walaasheena baahan ILLAAHEY-ba wax bixiye.

Leave a Reply