Guddoomiyaha Shirkadda Hodma Gums Oo Safar Ku Maraya Buuralayda Sanaag

0
430

Ceerigaabo (Dawan): Guddoomiyaha shirkadda Beeyadda ee Hodma Gums oo socdaal ku maraya buuralyda gobolka Sanaag ayaa maanta lagu soo dhaweeyay tuuladda Ceel Dibir, oo ku taalla woqooyiga gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxaa guddoomiyaha shirkadda Hodma Gums lagu soo dhaweeyay degmadda Huluul iyo deegaamo kaloo hoos yimaadda Huluul.

Shirkadda Hodma Gums ayaa ka shaqaysa ka ganacsiga iyo dhoofinta Beeyadda, Xabkaha, iyo Fooxa, laga soo saarro buuralayda gobolka Sanaag.

Odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool  deegaamadii uu guddoomiyaha shirkadaasi soo maray ayaa cadeeyay in Hodma Gums ay tahay shirkad waxyaabo badan ka qabatay deegaamadood.

Waxaa isna geestiisa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen guddoomiyaha shirkadda Hodma Gums.

Daawo Soo Dhawayntii Guddoomiyaha Hodma Gums:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply