Ismaaciil Axmed: Muwaadin U Hagar Baxay Buuxinta Baahidda Taagan Ee Bulshadiisa

0
589

Hargaysa (Dawan): Ismaaciil Axmed, oo ah mulkiilaha shirkadda xawaaladda lacagaha casriga ee World Remit ayaa noqday ganacsadaha keliya ee si naxariis iyo damqasho leh ugu hagar baxay caawinta bulshadda Somaliland xiligan oo ay dalka ka socoto hawlaha ka bad-baadinta dadka ee caabuqa Coronavirus.

Mulkiilaha World Remit muujiyay sida uu dadkiisa gacan uga siin lahaa in la hello agabka lagaga gaashaanto Covid-19, waxaanu  xukuumadda Somaliland ku caawiyay agabka lagaga gaashaamanayo fiditaanka caabuqa Corona oo ku kacaya lacag gaadhaysa malaayiin dollar.

Ismaaciil Axmed, ayaa  maanta agabkii ugu badnaa ku wareejiyay wasaaradda caafimaadka Somaliland, isagoo hore qalab fara badan oo dhamaa 1,400,000 oo xabadood oo qalabka Afka iyo Sanka lagu xidho ah (face mask) iyo Golofisyadda Gacmaha la gashado ah ugu deeqay Somaliland.

Agabka uu maanta ku wareejiyay wasaaradda caafimaadka ayaa dhamaa 40 kun oo xabadood ah kuwa Afka lagu xidho iyo Golofisyo  iyo qalabka la yidhaahdo N95, ee shaqaalaha la tacaalaya  qof Buka ay afka ku xidhaan

Muraayadaha Gigaliska la yidhaahdo ee ay xidhaan shaqaalaha ku hawlan shaybaadhka dadka laga baadhayo Coronavirus,  iyo shaqaalaha caafimaadka ee qofka bukaanka ah xaaladiisa la socda,  iyo Goonis (Gowns), oo min 200 kun ah.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaaladda Hargaysa.

Dr. Xergeeye, ayaa uga mahad celiyaya mulkiilaha shirkadda World Remit agabkan faraha badan ee uu wasaaradda caafimaadka ku wareejiyay. Waxaanu yidhi, “Waxaan halkan ka sheegayaa, in mulkiilaha shirkadda xawaaladda World Remit Ismaaciil Axmed, uu maanta ina guddoonsiinayo qayb kale oo ka mida agabka lagaga gaashaanto caabuqa Covid-19. Aad ayaanan ugu mahad celinayaa Ismaaciil.

Wuxuu hore noo guddoonsiiyay 1000 kun oo face mask ah. Maanta-na wuxuu na guddoonsiinayaa cadad kale oo 40 kun oo xabadood ah iyo cadad kale oo ah ka la yidhaahdo N95, ee shaqaalaha la tacaalaya  qof Buka ah, ee aadka afka loogu xidho ah, iyo Muraayadaha Gigaliska la yidhaahdo ee ay xidhaan qoladda shaybaadhka iyo shaqaalaha caafimaadka ee qofka bukaanka ah xaaladiisa la socda,  iyo Goonis (Gowns), oo min 200 kun ah. Agabkaasi oo aanu kagala wareegi doono Bakhaarka weyn ee daawooyinka ee wasaaradda caafimaadka”.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in ay jiraan qalab kaloo aad u fara badan oo uu Ismaaciil Axmed, ku caawiyay dawladda oo soo socda. Kaasoo ilaa saddex Koontiinar.

Agabkaasi ayaana qayb ka mida lagu wareejin doonaa wasaaradda caafimaadka, halka qaybaha kale-na  qiimo aad u jaban lagaga iibin doono bulshadda iyadoo suuqyadda dalkoo dhan laga heli doono.

“Waxa kale oo inoo soo socda, oo jidka  ku soo jira, oo uu inoo soo wadaa Ismaaciil Axmed, ilaa saddex Koontiinar oo ah qalabka lagaga hor tegayo caabuqa Corona. Iyadoo qayb ka mid ah uu wasaaradda caafimaadka ku wareejin doono, qaybo kale-na qiimo aad u jaban, oo ah qiimaha u dhexeeya  1500 iyo ilaa 200 kun oo shilling lagaga heli doono suuqa, oo dadka intii aan ahayn shaqaalaha caafimaadka ee kuwan loogu tallo galay ama shaqaalaha hay’adaha dawladda aan ahayn, oo dadka shicibka ahina ay suuqyadda si dhib yar uga heli doonaan, oo meel walba la gayn doono” ayuu yidhi Dr. Xergeeye.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Marka aanu maanta la wareegno agabkaasi uu Ismaaciil Axmed, noogu deeqay, waxaanu filaynaa in aanu gaadhsiin doono dalkoo dhan. Waxaad hore u ogaydeen in cusbitaaladda dalkoo dhan loo qaybiyay inta ku filan saddex bilood qalabkani, ee ay shaqaaluhu xidhanayaan. Haday tahay kan, haday tahay gloves-ka iyo haday tahay ka meelaha xarumaha daawaaynta (treatment center-ka) ee  N95-ka la yidhaahdo, iyo haday tahay Goonis-kii.

Saddexda bilood ee soo socda, wixii ay isticmaali lahaayeen, waanu gaadhsiinay dhamaanba cusbitaaladda dalka”.

Dhinaca kale Dr. Xergeeye, waxa kaloo uu sheegay in qalabkaasi uu Ismaaciil Axmed, ku caawiyay ay u kala qaybin doonaan dhamaanba xarumaha caafimaadka ee xanaanaynta hooyadda iyo dhalaanka iyo MCH-yadda ee dalkoo dhan.

Waxaanu yidhi,  “Waxaanu bilaabi doonaa, beri wixii ka danbeeya, in aanu meelaha xanaanooyinka ama goobaha xanaanaynta hooyadda iyo dhalaanka, aanu dhamaantood iyagoo 220 xarumood ah, aanu gaadhsiin doono, oo aanu u qaybin doonno qalabkan uu nagu wareejiyay Ismaaciil Axmed, mulkiilaha shirkadda World Remit.

Sidaa waxaa ku dhamaystirmaya shaqaale-weynihii wasaaradda caafimaadka, oo dhamaantood haysan doona qalabkii ka hor taga. Dhamaanba wadanka oo dhan xarumaha xanaanaynta hooyadda iyo dhalaanka iyo MCH-yadda ayaanu u gayn doonaa”.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply