Hargeysa(Dawan)-Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf waxa uu xusay in xannuunka Covid-19 ku faafay bulshada dhexdeeda oo aan la xaqiijin karin heerka uu ka marayo, hawl-waadeennada caafimaadkuna ay ku dedaallayaan inta awooddooda ah inay xakameeyaan faafitaankiisa awoodda nidaamka Caafimaad ee dalkuna, balse marka la eego nidaamka caafimaad ee Somaliland uu saamaynta xannuunkani ka awood badan yahay.
Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland ee xukuumadda madaxweyne Biixi oo warqad furan oo arrintan kaga hadlay u diray Beesha Caalamku, waxa uu ka digay khatarta ka dhalan karta haddii cudurkani ku faafo dalka oo uu xusay inuu muddo kooban kaga awood badan karo nidaamka caafimaad ee dalka haddii aanay beesha caalamku taageero wax-ku-ool ah la soo gaadhin Somaliland.
Warqadda uu qoray Dr Xasan Ismaaciil oo uu ciwaan uga dhigay, “Covid-19 iyo Somaliland: Codsi Shaqsiyeed oo ku Socda bulshada Caalamka”, ayaa u qornayd sidan:-
“Xogta Tirakoobka Covid-19 ayaa weli ah kan ugu hooseeya Geeska Afrika marka la eego xaaladaha la xaqiijiyay ee cudurka iyo sidoo kale dhimashada uu sababay.
Somaliland ilaa iyo imminka waxay la tacaashay Saf-markan iyada oo aan kaalmo badan ka helin dunida inteeda kale.
Si kastaba ha noqotee waa muhiim in la tilmaamo in ay u muuqato in fayrasku biyo-dhigtay Somaliland oo ay u badan tahay inuu mar horeba ku faafay bulshada dhexdeeda.
Hawl-wadeennadayada Caafimaadku waxay qabanayaan shaqo aad u weyn iyagoo isku dayaya inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodi karaan iyagoo ku dedaalaya sidii ay ula tacaali lahaayeen Xannuunkan saf-marka ah.
Haddii sida ay hadda wax u socdaan xaaladdu ka sii darto, waxa hubaal ah in xaaladdu faraha ka bixi doonto oo xannuunku muddo kooban kaga awood badan doono nidaamkayaga Daryeelka caafimaadka, iyadoo ay badan doonto geerida dad badan oo muwaadiniintayada ah haddii aanay beesha Caalamka laga helin gargaar deg-deg.
Nidaamyada daryeelka caafimaad ee qaar ka mid ah waddammada ugu awoodda badan ee dunida 1aad sida Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo kuwa kaleba, waxa khalkhaliyey sida ay ula tacaalayeen masiibadan. Waxaad qiyaasi kartaa waxa uu ku samayn karo waddan ka tirsan dunida saddexaad oo aan wali helin Aqoonsi caalami ah.
Fadlan tirada ku darso in Somaliland aanay ka mid ahayn Soomaaliya isla markaana ay tahay in loola macaamilo sidii dal madax bannaan oo gooni ah. Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa inay Somaliland la hayste ay beesha caalamka ku baadhato u sii ahaato iyadoo ku andoocanaysa inay qayb ka tahay dawladdeeda Federaalka ka dib ku dhawaad muddo Soddon sanno oo aanu haysannay madax-bannaanidayada aanu dib ugala soo noqonay midowgii fashilmay ee Soomaaliya.
Waxaan jeclaan lahaa inaan ka codsado bulshada caalamka iyo quwadaha adduunka inay taageero u fiditaan Somaliland ka hor inta aanay xaaladdu faraha ka bixin.” Sidaas ayuu Dr Xasan Ismaaciil ku yidhi Warqadda furan ee uu beesha Caalamka u diray.