Xanuuno Ka Duwan Corona Virus Oo Waqtigan Caalamka Faro Baas Ku Haya.

0
715

Iyada oo uu wararka caalamka qabsaday xanuunka khatarta badan ku haya caalamka ee Corona Virus ayay waqtigan soo baxayaan xanuuno kale oo iyaguna si weyn caalamka ugu faafaaya, kuwaas oo waqtiyadii hore aad loola dagaalami jiray in ay faafaan, isla markaana qaaraddaha qaarkood ku badnaa.

Xanuunka Malaria-da ee ay kaneecaddu keento ayaa noqday xanuunka ugu faafitaanka badan , sida ay xaqiijiysa Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, waxaanu xanuunkani ahaa mid aad loola dagaalamay, isaga oo sannadkii 2018-kii caalamka ku dilay dad lagu qiyaasay 405,000, waxa uu sidoo kale haleelay dad gaadhaaya 228 Milyan oo qof.

Hay’adda WHO ee caafimaadka u qaabilsan caalamka oo kaashanaysa Hay’addo kale oo caalami ah ayaa si deg deg ah uga hawlgashay wadamada uu xanuunkaasi ku badnaa, iyada oo hab casri ah loo joojiyey markiiba in uu faafo , kuna fido wadamada caalamka ,waana xanuunk ku qarsoon ayna sido Kaneecaddu.

Jaamacadda Glasgow  University iyo Hay’ad Caalami ah oo ka shaqaysa arrimaha Cayayaanka kuna sugan wadanka Kenya ayaa markii ugu horeysay soo saaray dawo yar oo hal unug ah, taas oo lagu magacaabo Microsporidia MB, waxaanay dawadani si fudud uga takhalusi kartaa Bacteria-da keenta xanuunkan Malaria-da, sidoo kalena waxa ay Jaamacaddu soo saartay qalab isna si fudud loogu ogaan karo heerka Malaria-da iyo in ay jidhka ku jirto.

Dawadan ayaa leh qayb qiiq ah , waxaana loogu talo galay in lagu buufiyo meelaha ay Kaneecaddu ku badan tahay, waxaanay si fudud uga takhalusi kartaa kaneecada lafteeda , iyada oo aan waxba yeelayn degaanka.

Joojinta Bacteria-dan ay kaneecadu keento ayaan ahayn wax sahlan , waxaana jirta Bacteria kale oo lagu magacaabo Wolbachia, taas oo ay adag tahay sida looga takhalusaa, sida ay khubarrada jaamacadda Glasgow sheegeen.

Sida lagu sheegay warbixin kooban oo lagu qoray wargeyska  Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay  in la samayn doono cilmibaadhiso badan  haddii ay suurtogal noqoto, kuwaas oo lagu kordhinaayo qalabkan iyo dawadan Microsporidia MB , iyada oo la doonaayo in la yareeyo khatarta Kaneecada ka iman karta.

Leave a Reply