Hay’adda Hawada Sare U Qaabilsan Maraykanka Oo Ka Digtay Dhibaato Ka Dhalan Karta Cimilada Sii Xumaanaysa.

0
446

Hay’adda NASA ee hawada sare u qaabilsan Maraykanka  ayaa sheegtay in ay jirto dhibaato weyn oo caalamka kusoo fool leh, taas oo ka dhalatay cimilada sii xumaanaysa ee caalamka , sida ay khubarrada Hay’addaasi sheegeen , waxaanay ka digeen khatartaas ka dhalan karta cimilada sii xumaanaysa.

Khubarro ka tirsan hay’adda NASA oo qormo kooban ku qoray wargeyska Washington  Post oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan  ayaa sheegay in uu barafoobaayo Barafkii fadhiyey goboladda hareeraha adduunka , sida uu muujiyey  sawiro lagu qaaday  Satelaytka ICESat-2 oo hadda muddo 16 sanno ah arrimaha degaanka ka shaqaynaayey.

Muqaal ay Hay’addani baahisay ayaa muujinaaya isbedelada darafyadda adduunka  ka dhacay , kuwaas oo ay sheegeen khubarradani in ay bilaabmeen sannadkii2003-dii ilaa 2019-kii oo  isbedelka ugu badani ku dhacay goboladda Barafleyda ah ee caalamka, waxaanay tilmaameen meelo badan oo uu Baraf fadhiyey waqtigan isu bedeleen  kuwo biyo fadhiyaan, waxa ay sidoo kale sheegeen in buuro ku yaaley gobolka Antarctica-gu ay isu bedeleen badda, kuwaas oo keenay in ay kor u kacaan biyaha baddu 14 Millimeters.

Biyahan korka u kacay  ayaa ka yar saddex meelood uun biyaha baddaha waaweyn ee caalamka, iyada oo ay marba marka ka dambaysa sii kordhayaan biyahaasi.

Sida ay warbixintan kooban ku sheegeen kooxdan saynisyahanka ahi , gobolka Antarctica waxa biyoobay baraf dhan 118 Gigatons, halka ay gobolka Greenland biyoobeen 200 oo Gigatonnes.

Leave a Reply