Qaar ka mida Culimada Magaalada Hargeysa oo soo Jeediyay in Salaadaha Guryaha lagu Tukado

0
527

Hargeysa (Dawan) Qaar ka mida culimada waa weyn ee reer Somaliland ayaa soo jeediyay in salaadaha Faralka, Taraawixda iyo Taajudka lagu tukaddo guryaha, inta xannuunka safmareerka ah ee Covid-19 uu taagan yahay.
Waxaana ay sidan ku sheegeen culimadu shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Cabdirisaaq Albani oo isagu warbaabinta la wadaagay bayaanka ay culimadu soo saartay ayaa yidhi “Sidaasi darteed anagga oo ka duuleyna daliilada kor ku xusan iyo fadwada culimada ee xaalada Covid-19 ku saab waxaa aanu ummada u sheegayna ‘Salaadaha Faralka iyo Taraawiixda iyo Taajudka’ ay ku tukadaan guryahooda maadama ay jirto cabsi dhabba oo laga qabo fiditaanka xannuunka Covid-19 isu imaatinkuna uu ka mid yahay, asbaabaha u waa weyn ee uu xannuunkani ku fido”

Sawirka Qaar ka mida culimada dalka ee soo jeediyay in salaadaha kala duwan guryaha lagu tukaddo

Leave a Reply