Hanti Badan Ayay Rebeen Laakiin Geeri Ayay Noqotay

0
537

Laba nin oo Hindi oo aqoon u leh samaynta dawoyinka “Pharmacist” ayaa midkood dhintay ka dib markii ay isticmaalen iyagoo tijaabinaya dawo ay rabeen in xanuunka Covid 19 ay dawaynayso.

Booliska Hindiya ayaa sheegay in labada nin ay u shaqeynayeen shirkada dawada geedaha. Labadan dawo sameeye ayaa isku daray maadooyinka Nitrogen oxide iyo Sodium nitrate.

 

Marki ay isku dareen waxay dawada u waateen gurigooda ku yaalla magalaada Tishani ee koonfurta dalkaasi, si ay ula socdaan heerka ay dawadan waxtarkeedu gaadhsiisan yahay sida ay qortay Ajman News.

 

Labadan ayaa rijaabada dawada bilaabay iyadoo midkood oo 47 sano jiray uu isla markiiba guriga ku dhintay, halka mid kale isbitaalka loo  cararay halkaasi oo weli lagu dawyanyo. Warbixinta booliiska ayaa sheegtay in farsamada (Formula) ay adeegsanyeen cilmi baadhista Internetka ee ka hadlaysa Cudurka Corono virus, iyo weliba suuqa dawooyinka ay dadku iibsadan ee xanuunka u adeegsanyaan.

Labadan ayaa doonayay inay soo saaraan dawo ay si weyn uga faa’iidaan oo ku noqdanaa maalqabeeno degdeg ah, laakiin waxay isu bedeshay dhimisho.

Leave a Reply