Xildhibaan Bidhi Oo U Mahad Naqay Madaxweyne Biixi Ganacsato iyo Muwaadiniin

0
442

Burco (Dawan): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha deegaanka Burco ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland oo amar ku bixiyay in magaaladda Burco la geeyo shay-baadhka labaad ee dadka looga shakiyo caabuqa Corona.

Sidoo kale xildhibaan Bidhi, ayaa u mahad celiyaya muwaadiniin iyo ganacsato gawaadhida gar-gaarka deg dega ah ugu deeqay cusbitaalka guud ee Burco.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin shirkadda Cali Gadhle Group, Dahabshiil Gorup, Layla Cabdilaahi, Muwaadin Emiraati ah iyo Unbalance iyo Guddi hoosadka Coron Virus ee Burco.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa ugu horayn u mahad celiyay madaxweyne Biixi oo uu sheegay in uu amar ku bixiyay in Burco la geeyo shay-baadhka.

Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahadnaqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muse Bixi Cabdi, oo ku amray wasaaradda caafimadka Somaliland in Mishiinka Labaad ee lagu baadho dadka looga shakiyo xanuunka Covid-19 in la geeyo caasimada labaad ee Somaliland ee Burco.

Waxaan sidoo kale u mahad naqayna wasaaradda caafimadka Somaliland, in iyadoa fulinaysa siyaasada iyo amarrada madaxweynaha inay ku dhawaaqeen in Mishiinka labaad la gayn doono  magaaladda Burco”.

Geesta kale Bidhi, ayaa u mahad celiyay muwaadiniin iyo ganacsato gawaadhi Unbalance ah ku caawiyay gobolka Togdheer.

“Waxaan u mahad naqayna una ducaynayna in ILLAAHAY Caafimadka iyo xoolaha iyo Cimrigaba ha u barakeeyo dadki ugu deeqay Unbalance-yadda dhakhtarka Burco oo bahi weyn u qabay.

1: Unbulance, Cali Gadhle Group u dhashay Burco. 2: Unbalance Dahabshiil Company Maxamed Siicid u dhashay Burco. 3. Layla Cabdilaahi u dhalatay Burco. 4. Unbalance Muwaadin Emiraati ah. Iyo 5. Unbalance Guddi hoosadka Coron Virus ee Burco” ayuu yidhi Mubaarig Bidhi.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

 

Leave a Reply