Midowga Yurub oo Xoojinaaya Xidhiidhka Somaliland

0
629

Hargeysa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safiirka midowga yurub u qaabilsan Somliland iyo Soomaaliya Nicolas Berlanga kala qayb galay xaflad qaab online ah oo loogu dabaaldegayay maalinta Yurub 2020.

Madaxweyne Biixi iyo danjire Nicolas Berlanga ayaa labaduba khudbado ka jeediyey shirka fiidiyowga ee tooska loo daawanaayay. Waxanu Danjire Berlanga ku boorriyay Xukuumadda Somaliland inay ka shaqeyso sidii loo fuli lahaa himilooyinka  muwaadiniinteeda loona soo afjari lahaa colaada.

danjire Nicolas Berlanga Wuxuu muujiyey sida ay uga go’an tahay EU-da in laga caawiyo geedi socodka dimuqraadiyada Jamhuuriyadda Somaliland .

Nicolas Berlanga wuxuu carrabka ku adkeeyay cilaaqaadka adag ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sida ay uga go’an tahay inuu xidhiidh dheeri ah la yeesho Somaliland.

Leave a Reply