Maayarka Laascaanood Oo fariin U Diray Dadka Qaadka Sharci Darrada Ku Soo Gelinaya Magaalooyinka

0
494

 

Laascaanood (Dawan):Maamulka degmadda Laascaanood iyo taliska ciidanka Booliska ee gobolka Sool ee magaaladda Laascaanood ayaa maanta lagu gubay Qaad si sharci daro ah loo soo galinayey gobolkaas.

Qaadkaas oo lagu siday gaadhi noociisu yahay ZUKI ZUKI iyo Mooto Bajaaj ayay ciidanka Booliska ee gobolka Sool gacanta ku soo dhigeen xilli ay isku dayayeen inay si qarsoodi ah Jaad kusoo geliyaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaana goob-joog ka ahaa goobtii Qaadkii lagu gubay Maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Gooni iyo guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Masuuliyiintaas ayaa dhamaantood iska daba-mareen sida ay mamnuuca u tahay ka ganacsiga qaadka muddada la xayiray.

Iyagoo-na ugu baaqay bulshada hantidooda gelinaysa maandooriyaha Jaadka inay ka wantoobaan oo aanay khasaare iska gelin maalkooda.

Waxaanay sheegeen in gaadiidkii lagu soo qabto lala wareegi doono dadka arrimahas ku hawlan ee lagu soo qabtana sharciga la horgeyn doono.

 

Halkan Ka Daawo Hadaladii Masuuliyiintaasi:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply