Mas Carruur ku Cunay magaalada Xiingalool ee Gobolka Sanaag

0
779

Hargeysa (Dawan) ILLAAHEY haw naxariiste laba carruur  oo walaalo ah ayuu mas ku cunay magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag, islamarkaana aas loogu sameeyay.

Mas ayaa habbeen hore abaaro 10:00 habeenimo laba wiil oo walaalo ah ku qaniinay deegaan hoos yimaada degmadda Xiingalool ee gobolka Sanaag, carruurrani ayaa dadoodu aheyd todoba sano iyo shan sano, ayaa u geeriyooday qaniinyada maskaasi.

Axmed Siciid Axmed waa aabaha dhalay carruurtani masku cunay waxaanu sheegay in uu xaafadda ka maqnaa, markii bahalkani ubadka qaniinay islamarkaana aanu naf ugu iman wiilka weyn, balse waxaa uu ku qanacsan yahay qadarta ILLAAHEY “Hada anaggu reer Baadiye yaala oo carruurtiina bahal ka cunay ayaanu nahay, xiligii ay aheyd tobankii habeenimo, carruurtaasi oo hooyadood guriga seexisay, iyada oo iyadu soo jeeda guriga oo Buul Soomaali ahaa bahal ugu galay laba wiil ayaa meesha hurday oo aan anigu aabahood ahey, islamarkaana aan ka maqnaa oo xaafad u dhaw aan joogay.

Ciyaalkaasi oo markii laygu soo wargeliyay aanan anigu wiilka weyn naf ugu iman, wiilkii yara oo markaasi dhaawaca ayaan soo gaadhay kadib isna waa uu dhintay, qadar ILLAAHEY keenaybay aheyd hada kuwa ka waa weyni waa ay jiraan, ILLAAHEY-ba gartay”

Sawirka Axmed Siciid Axmed waa aabaha dhalay carruurtani masku cunay waxaanu sheegay in uu xaafadda ka maqnaa, markii bahalkani ubadka qaniinay islamarkaana aanu naf ugu iman wiilka weyn, balse waxaa uu ku qanacsan yahay qadarta ILLAAHEY

Leave a Reply