Somaliland Tirada Dadka Qaba Covid-19 oo Kordhay iyo Kiisas cusub ee Maanta ku soo Biiray

0
646

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in lix qof oo cusubi ay ku soo bireen tiradii hore ee xannuunka Covid-19, tiradda guudna ka dhigeysa lix iyo konton qof.

Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shaaca ka qaaday in lixda qof ee xannuunka laga helay afar ka mid ahi ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa, halka labada kalena ay ku nool yihiin magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Dr. Xergeeye waxaa uu tilmaamay in lixdan qof mid ka mid ahi uu yahay ajaanib islamarkaana uu u dhashay dalka Bagaladhiis.

Leave a Reply