Wasaaradda Beeraha Somaliland oo kooxo la Dagaalanka Ayaxa u kala dirtay afar Gobal.

0
1044

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ayaa afar gobol u kala dirtay Tiimam Buufin doona Koran-korada Ayaxa oo ka dilaacay Gobaladaas.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland Dr.Axmed Cali Maax warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Sheegay in kooxo buufinta iyo la dagaalanka Ayaxa ay u kala direen gobolada Awdal, Saaxil, Sanaag iyo Saraar.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wax soo saarka wasaaradda Beeraha waxa ku jira in lala dagaalamo wax kasta oo ka hor imanaya ama hoos u dhigaya wax soo saarka,sidaas darteed waxa ay Wasaarada Beeraha markii afraad ay diraysaa Tiimam la dagaalanka Ayaxa oo farobaas ku haya Deegaanada Somaliland oo dhan, maanta shalay waxa u ambo baxaya afar kooxood oo ka Kooban 28 qof waxaana iskugu jiraan kuwo buufinta ah iyo kuwo aasi doona Koran-korada waxaana ay socon doonaa muddo afar iyo toban cisho ah.

Waxaana xooga la saari doonaa goobaha xeebaha oo ah maalaha ayaxu uga xaanta uu dhigto ee uu ka soo bilaabmo, gobolada ay u baxayaan kooxahani, waxa ka mida gobolada Awdal, Saaxil, Sanaag, Saraar labo toddobaad ka horna waxa aanu dirnay 35 Qof Gobolka Daadmadheedh oo shaqadii ka socoto 20 kooxood ayaana ka hawl galaya guud ahaan dalka,”.

Sidoo kale agaasimaha wasaaradda Beeraha ayaa waxa u mahadnaqay hay’adda F.O.A. waxaanu yidhi “Waxa aan u Mahadcelinayaa hay’adda F.A.O oo wasaaradda Beeraha ka taageerta dhinacyo badan, haday noqon la hayd wax soo saarka iyo haday noqon la hayd la dagaalanka Ayaxa afartan kooxood ee baxaya waxa Kharashkooda dabooli doona hay’adda F.A.O, waxaana hay’adda FAO soo iibisay oo halagu wareejindoonaa muddo dhaw 6 gaadhi oo ay saaran yihiin haamaha Ayaxa lagu Buufiyo,”.

 

Sawirka agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, mudane Dr. Axmed Cali Maax

Leave a Reply