Somaliland oo Xabsi Ka-leexin loo sameynayo Da’yarta Sharciga khilaafta

0
522

Hargeysa (Dawan)  Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaaladda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa furay kulan lagaga hadlayey wacyi-galin la xidhiidha, sidii xabsi ka leexin loogu samayn-lahaa Da’yarta sharciga khilaafta maadama la wado dadaalo lagula dagaalamayo xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Waxaana kulanka wacyigelinta ah soo qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda Somaliland, gaar ahaan waaxda haweenka iyo carruurta.

Agaasimaha waaxda haweenka iyo carruurta mudane Ismahaan Xaaji Dool ayaa faahfaahin ka bixisay, ujeedada kulankani waxaaney sheegtay in wacyigalintaas loo sii dhex-marinayo bahda ka shaqaysa Da’yarta sharciga khilaafta sida ciidamada booliska, ciidamada asluubta gudiyada degmooyinka 26-jun, Ibraahim Koodbuur, Gacab-libaax, Maxamed Mooge, Macalin Haruun Dayax 1 iyo Dayax 2.

Kulankan ayaa ka qabsoomay Hoolka wasaaradda cadaaladda Somaliland

Leave a Reply