Badhasaabka Sool Oo Bulshadda U Jeediyay Khudbad Ku Aadan Xuska 18-ka May

0
409

 

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa maanta khudbad ku aadan xuska 29 guurrada ka soo wareegtay maalinta qaran-nimadda Somaliland ee 18-ka May u jeediyay bulshadda gobolkaasi.

Waxaanu guddoomiyuhu khudbadiisa kaga hadlay qiimaha iyo muhiimadda ay maalinta qaran ee 18-ka May u leedahay guud ahaanba shacabka  iyo dawladda Somaliland.

Isagoona tilmaamay in 18-ka May ay tahay Dharaar ku suntan, karaamo, gobonnimo iyo Aayo ka tashi ummadeed, ee horseedka u noqday xasilloonida siyaasadeed ee tiirrarka adag u taagay ammaanka, horumarka, bisaylka dimuqraadiyadedka iyo sarraynta sharciga ee qaranka Somaliland ku naalloonayno.

C/qani jiidhe, ayaa ugu horayn waxa uu bulshadda ku hanbalyeeyay xuska 18-ka May. Waxaanu yidhi, “Hanbalyo, hanbalyo. Maanta waa maalin weyn. Waxaana mahad iska leh Rabbiga nabadda iyo nimcooyinka kele ee tira badan inagu gaadhsiiyey.

18-ka May, waa Dharaar ku suntan, karaamo, gobonnimo iyo Aayo ka tashi ummadeed, ee horseedka u noqday xasilloonida siyaasadeed ee tiirrarka adag u taagay ammaanka, horumarka, bisaylka dimuqraadiyadedka iyo sarraynta sharciga ee qaranka Somaliland ku naalloonayno.

Maamuuska 29 sanno-guuradda, dib-ula soo noqoshada madax-bannaanideena darteed, waxaan hanbalyo milgo leh  hawada u marniyaa haybadda iyo astaanta qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo ah madaxweynaha, Mudane Muuse Biixi Cabdi, dhammaan shacabka, ciidammada qaranka, si gaar ah-na ummadda gobolkan Sool”.

Guddoomiyaha Sool  C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu khudbadiisa ku soo qaatay sababta aanay sanadkan u suurto gelin in xuska 18-ka May sidii sanadadii hore looga xuso guud ahaanba dalka Somaliland gaar ahaana gobolka Sool.

Taasoo uu sheegay in ay sabab u tahay xanuunka sida daran dunidda ugu faafay, una dhibaateeyay ee Coronavirus.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waa qaddar Rabbi oo dunida ku habsatay, xannuunkan Covid-19 oo inoo diiday in munaasibado iyo wayn-nayntay mudan tahay 18-ka May, in aan u qabsano.

Waxaana u mahad cellinayaa shacabka gobolka Sool u diyaarsannaa, maamuuskii taariikhiga ahaa ee kal hore mid ka miisaan culus ay soo bandhigeen, ayse duruuftaasi hakisay”.

Geesta kale guddoomiyaha ayaa ka waramay guulaha la taaban karo  ee  laga gaadhay la soo noqoshadda qaran-nimadda Somaliland.

“Guulo bulsheedka iyo kuwa haykalkeenna dowaladeed uu gaadhay kana soo bilaamaya geeddigii 18, May, 1991-kii.  Ilaa xilligan waa cadyihiin, mana koobi karno, waxaan-se hoosta ka xariiqayaa, xusid-na mudan in bulshada gobolka Sool ay hareer joogaan Qarankooda Somaliland, tasoo meesha ka saaraysa aragti kasta oo lid ku ah midnnimada’ ayuu yidhi C/qani jiidhe.

Isaoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Munaasibaddan sannadkan oo ku soo aadday, dhammaadka maalmaha barakaysan ee Ramadaan-ta, oo ay soo wajahan tahay maalinta fadliga weyn ee Ciidul fidriga ayaan munaasibadda uga faa’iidaysannayaa oo farayaa bulshada iyo laamaha ammaanka u darban ee gobolka inay heeggan u ahdaan adkaynta nabad gelyada”.

Ugu danbayn badhasaabka Sool  ayaa ku amaanay bulshadda gobolkaasi sida wanaagsan ee ay ugu hogaansameen, una fuliyeen go’aamadda iyo awaamiirta guddiyadda heer qaran iyo heer gobol   ee   ka hor taga faafitaanka caabuqa Coronavirus.

“Bulshada gobolka waxaan ku boorinayaa, waa in aad ka feejignaantaan saf-marka Covid-19. Waxaanay dedaalka  ka galeen ka hortegga aafadan, inagoo  uga mahad cellinaya, guddiga heer qaran iyo ka heer gobol, dhakhaatiirta, culimadda iyoqaybaha kale ee bulshadda,  ee qaybta ka ah.

Ugu danbayn mar kale hanbalyo. Rabbin-na xuska 18-ka May-da sannadka danbe, iyo ciidda maalmo ka dib soo began, ha inagu gaadhsiiyo nabad iyo caafimaad” ayuu khudbadiisa.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply