Madaxweynaha Somaliland oo Bilad Geesi Gudoonsiiyey Qaar ka Mida Saraakiisha Ciidanka Qaranka

0
941

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Bilad Geesinimo, gudoonsiiyay laba iyo toban sarkaal oo ka tirsan ciidamada milateriga, kuwaasi oo lagu maamuusay hawlo shaqo oo ay Qaranka u qabteen, islamarkaana waxaa ay   sagaal ka mid ahi ay ku sugnaayeen xarunta madaxtooyadda oo lagu qabtay munaasibad lagu xusayey 29-guuraddi ka soo wareegtay markii Somaliland, ku dhawaaqday markii ay madax bannaani kaga go’day Soomaaliya inteeda kale 18-kii May 1991-kii.

Halka ay ka maqnaayeen goobta saddex sarkaal  oo sida la sheegay  looga maarmi waayay hawlo shaqo oo ay Qaranka u hayeen.

Abbaanduulaha Koowaad ee Ciidammada Qaranka Somaliland Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Afguduud), ayaa mid mid u xaadiriyay magacyadooda saraakiishii goob jooga aheyd.

Gaashaale sare Ismaaciil Faarax Doolaal.
Gaashaanle sare Mahad Faarax Cilmi (Canbaashe)
Gaashaanle sare Cabdillaahi Suufi Axmed Abaanduulaha agaa bari
Gaashaanle dhexe Ibraahim Cali Sabir
Gaashaanle dhexe Maxamed Cabdilllaahi Cartan (Rujiye)
Gaashaanle dhexe Cabdillaahi Maxamed (Dhaga-weyne)

Waxaana madasha aan ka soo xaadirin oo  maqna islamarkaana aan fadhiyin,  saddex sarkaal oo la sheegay in looga maarmi waayay hawlaha shaqo ee Qaranka, maada lagu jiro xuska maalinta Qaran ee 18-ka May.

Sareeya guuto Cali Bare Xuseen, ahna jeneraalka aaga bari.
Gaashaanle sare Faysal Cabdi Bootaan taliyaha qaybta 12-aad
Gaashaanle sare Cabdillaahi Ibraahim Xasan taliyaha guutooyinka madaxa bannaan, fadhigiisuna yahay imika Yube.

Waxaana saddexdii sarkaal ee goobta ka maqnaa u qaaday taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sidii balantu aheyd, Biladihii Geesinimada ee loogu talo galay.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu amaanay ciidamada kala duwan ee Somaliland isaga oo sheegay in dhinaca abniga ay wax badan ka qabteen “Waxaa la xoojiyey tayeynta ciidamada, dhinaca qalabka, tababarka, mooralka iyo cududooda, waa markii u horeysay ee tababar layli sarkaala dalka gudihiisa lagu qabto, oo ay ka soo baxayaan saraakiil ciidan, oo ay ku jiraan hablo, ciidamada abniga guduhu waxaa ay hoos u dhigeen danbiyada ka dhaca magaalooyinka waa weyn iyo dalka guud ahaan, waxaa iskaashi iyo abni laga sameeyay dalalka dariska ah si loo xakameeyo danbiyada xuduudaha ka gudba, waxaa la dhammeystiray cisbitaalka ciidamada qalabka sida, oo adeeg hufan oo caafimaad siin doona ciidamada”

Leave a Reply