Xildhibaan Bidhi Oo Sharaxay Qiimaha Maalinta Qaran-nimadda Somaliland Ee 18-ka May

0
630

Burco (Dawan): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi, ayaa ka hadlay muhiimadda iyo qiimaha ay leedahay xuska sanadkan ee munaasibadda qaran ee 18-ka May iyo sida looga xusay dalka Somaliland gudihiisa.

Waxaanu sheegay xildhibaan Bidhi, in iyadoo laga duulayo dhibaatadda uu guud ahaanba aduunka ku hayo caabuqa Coronavirus darteed in aan sidii sanadihii hore loogu dabaal-degin.

Xildhibaan Bidhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco, ayaa tilmaamay in xuska 18-ka May aan sinaba loo joojin Karin, isla markaana ay tahay maalin ku weyn ummada Somaliland.

Sidaas darteedna looga baahan yahay qdadweynaha reer Somaliland iyo qof kastaba in uu gurigiisa, xafiiskii, goobtiisa shaqo ama ganacsi iyo meello kale-ba ku xusi karro.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, waxa uu ku baaqay in xukuumadda Somaliland looga baahan yahay in la daryeello caruuraha iyo xaasaska ay ka tegeen xubnihii ku geeriyooday dagaalkii dib u xoraynta Somaliland ee  ka tirsanaa ururkii SNM.

Daawo Xildhibaan Oo Arrimahaas iyo Waxyaabo kale-ba ka hadlaya:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply