Jig-jiga: Guddiga Xakamaynta Faafitaanka Covid-19 Oo Go’aamo Soo Roggay

0
430

Jig-jiga (Dawan): Guddiga ka hor taga faafitaanka caabuqa Coronavirus ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa qaaday tallaabooyin ad-adag oo lagu soo rogay bulshadda gaar ahaana meheradaha Dharka lagu iibiyo.

Waxaanay guddigu go’aamo culus ka soo saaray sidii bulshadu u kala fogaan lahayd inta lagu jiro u diyaar garowga ciida Fidriga ee soo foolka leh.

Komishan-neerka ciidanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Jig-jiga ayaa ka hadlay tallaabooyinka ay ciidan ahaan qaadeen ee  ku waajahan ka hor taga faafitaanka Coronavirus.

Waxaanu sheegay komishan-ner Maxamed Cali Xasan, in ay saaka xidheen meheraddo ganacsi oo diiday   amarkii ay soo saareen, kadib markii guddiga ka hor taga Coronavirus ee dawlad deegaanku ay shirk a yeesheen.

 

Halkan Ka Daawo Komishan-ner Maxamed Cali Xasan, oo Arrimahaas ka Warbixinaya:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply