Xuska 18 May: Maansada Calanyahow Ogow..W/C. Cabdi Shine

0
59

MAANSADAN OGOW CALANYOHOW LAYIDHAA WAXAAN U HIBEEYEY CALANKA SOMALILAND WAANA TIX CUSUB, WAXAANAY TIDHI SIDAN:

OGOW CALANYOHOW OGOW
KAAN KU CAANO MAALE,
AANKU CIIL BAXAAD TAHAY,
INKASTO CALOOL XUMI,
AADKA CAAGANTAHAYO
CUDUR AANU KUGU DHALAN,
CIIDADA HOOYANA,
CARAF IYO UDGOON TAHAY,
MADOWGIYO CADAANKABA,
CARADAADA KII YIMI,
CIILKUMA GAM’AAYO,
CALOOLYOWBA KUMA DHACO,
ADIGEY KU CEYNTAAN,
CIDHIF BERI ILAA CIDHIF,
CAAN BAAD KA NOQOTEE,
CUNSURI IYO QADAAD WEYN,
IYO CIYOWGA MEERAA,
CIDHIB KAAMA GAADHAAN,
WAAGII SOO CADAADIYO,
CADCEEDII TIMAADIYO,
CISHADII IFTIINTABA,
CARSHIGAAD KU QORAN YAHAY,
CEESHKAAD KUL LEEDAHAY.
CUUD KU SIISAN MAAYOO,
ADUUN WAAD KA CULUSTEE,
CIMRIGAAGU DHEERAA,
CADOW KUUMA DHUUNTOO,
CUDUD IYO LAXAADBAA,
CIDHIFKAAGA JOOGGOO,
CIIDAN SEEXANEYNBAA,
KAA DHAWRA CADAWGO
CULIMO KUU DUCEYSOO,
CARABKOODU HAKANBA
CAADILKU BARYAAYOO,
HOOBAALO CULANOO,
CILAD AAN LAHEYNBAA,
MURTI KUGU CASUUMEE
AQOONYHAN CILMI LEH BAA,
CAQLIGIISA MAALOO,
CAYAYAANKA BUUFIYA,
GUURTI IYO SULDAANAA
KU CALEEMO SAAROO,
INTUU CAANO KUGU SHUBEY,
QARAN KUU CIMAAMADEY,
BARBAAR WADA CABOONOO,
XOOGOODU CUSUBYAAD,
CAQLIGOODA HANATAYE
MA CIDLAAD KA DHALATOO,
CIIRSILAAD KU SUGAN TAHAY,
CEEL DHEER ADOO GALEY,
MIYAAN CURADO KUU DHIMAN,
MIYAAN DOOR CIRROODKII,
DHIIG KUGU SOO CESHAN,
MIYAAN DUMAR CARUUSII,
WEER CAD KUU XIDHAN,
MIYAAN CUUD ADUNIYO,
NAFTA CEYDH KAMAAN NOQON,
CAALAMKAD KU BIIRTOO,
CALAMAD BAAD U TAHAY QARAN,
CISI BAAD U THY WADAN
CIRDIGEYGU WAA ADI,
CAZIIZOW ALLAHAYOW,
CAADILKII NA UUMOW,
CALANKAASI TAAMKAA,
TAWXIIDKU CAAN BAXAY
YUU CIDHIDHI GELINOO,
CAWADARAN KALEETIYO
CULEYS KALETO SOO MARIN,
CAADILOW ALLAHAYOW,
CADOWGIISA JEBIYOO,
XAQA NUURKA KU CADEE.
AAMIIN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here