Gudida Qandaraasyada Qaranka: Hay’ad Hoggaaminteeda La Mahadiyay oo Kalsoonida Bulshadana Kasbatay

0
756

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Tan iyo markii uu doorashadii Madaxtooyada Somaliland uu ku guulaystay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee mar labaad shacabka Somaliland ay fourteen in uu hoggaamiye Xisbi Xaakimka talada haya ee Kulmiye waxaa kor u kacay aaminaadda ay bulshada Somaliland kalsooni ugu qaadeen qandaraasyada ay dawladu bixi ka dib markii Madaxweynaha qaranku uu guddoomiyaha gudida qandaraasyada qaranka uu u magacaabay guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen iyo xubnaha gudida qndaraasyada Qaranka.

Tallaabooyinkii ugu horeyay ee ay qaadeen gudida qandaraasyada qaranku ayaa ahaa in dib u eegis iyo ka baaraan deg ay kusameeyeen hannaankii dawladdu u bixin jirtay qandaraasyada qaranka ee loo soo bandhigayay shirkadaha dalka ee kala duwan.

Waxaanay meesha ka saareen in bakhtiyaanasiib aan la ogayn oo qarsoodi ah in shirkaduhu ku tartamaan waxaanu ku guulaystay mudadii uu xilka hayay in la ansixiyay reerka qandaraasyada qaranka oo ay noqdaan hay.ad leh xeer shaqadeeda loo raaco.

Waxaana meesha ka baxay waxkasta oo cabasho laga keeni karo oo ay ka caban Karaan tartameyaashu.
Taasina waxay sababtan in shirkadaha kala duwan ee dalku in ay markhaati cad ka noqdaan shaqo wanaagsan hay.adda gudida qandaraasyada qaranka mudadaa uu gadhwadeenka ahaa guddoomiye Nuux maxamed Xuseen waxaa soo baxay in shirkadaha qandaraasyada u tartamay inta guulaysatay marka laga Reebo in ay u mahad naqaan kuwa laga guulaystay Isla markaana ay cadeeyaan in ay tartan caddaalad ah ka qayb galeen.
Taasina waxay sababtay in lagusoo dhiirado qandaraasyada ay dawladdu bixiso oo markii hore sas laga qabay.

Leave a Reply