Safiirka JSL ee Faransiiska oo sheegay in Caalamku Bogaadiyeen Somaliland

0
699

Paris (Dawan):- Safiirka JSL ee dalka Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan ayaa ku amaanay Madaxeyne Md Muuse Biixi iyo xukuumada dedaalada ilaa wakhtigan ay ka geysteen sidii bulshada Somaliland looga badbaadin lahaa aafada xanuunka Covid19, Ilaahayna ka baryey inuu ummada Somaliland io gud ahaan Islaamka ka badbaadiyo.

Safiir Cali oo qoraal kooban oo uu kaga hadlay munaasibada 29 guurada ka soo wareegtay maalinta madaxbanaanida JSL ee 18 May iyo talaabada xukuumada Somaliland u qaaday ka hortaga xanuunka Covid19 oo u soo gaadhsiiyey wargeyska Dawan, Idaacada iyo Telifishanka Qaranka ayuu ku bilaabay;

“Ugu horeyn waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha JSL, Madaxweyne-xigeenka, goleyaasha Qaranka, xukuumada iyo shacabka sannadguurada 29aad ee ka soo wareegtay maalinta madaxbanaanida ee 18 MAY, Ilaahayna weydiisanayaa inuu sannadka xiga caafimaad-qab iyo badhaadhe innagu gaadhsiiyo, aamiin.

18 May, kuma iman si fudud, balse waxay shacabka Somaliland iyo halyeeyadoodii u hureen dhiigooda qaaliga ah, nabadgelyada iyo horumarka aynu maanta haysano, waxaana looga baahan yahay shacabka Somaliland oo kaashanaya xukuumadooda inay wadajir u ilaashadaan guusha ay gaadheen.

Safiirka Farnasiiska Md Cali Ismaaciil ayaa sidoo kale ku amaanay Madaxwenaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumada dedaaladooda ka hortaga xanuunka Covid 19, waxaanu yidhi,

“Mar labaad waxaan si weyn ugu amaanayaa Madaxeyne Md Muuse Biixi iyo xukuumada dedaalada ilaa wakhtigan ay ka geysteen iyo natiijooyinka ka soo baxay sidii bulshada looga badbaadin lahaa aafada xanuunka Covid19, iyadoo aynu ognahay haynta dhaqaalaheena. Talaabooyinka kala duwan ee ay qaadeena bogaadin ayey ugu soo jeediyeen madax caalamka ah oo xidhiidho na dhexmareen.

Waxaan ugu baaqaya bulshada Somaliland inay ku dhaqmaan talooyinka Guddiga Qaran ee ka hortaga xanuunku u jeedinayaan, taasoo ah habka keliya ee caalamku isku raacay in qofka iyo ehelkiisu kaga badbaadi karaan.

 

Leave a Reply