Wasiirka Biyaha Oo Ka Warbixiyay Hawlaha Biyo-balaadhinta

0
532

Berbera (Dawan): Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in ay meel wanaagsan oo gebogabo ah marayso hawsha qodista ceelal biyood iyo  biyo-balaadhinta  magaaladda Berbera.

Maxamed Muuse Diiriye, oo ku sugan magaaladda Berbera oo uu hawlo shaqo u jooga oo maanta la hadlay warbaahinta dawladda ayaa ku tilmaamay  u jeedadda socdaalka uu ku joogo Berbera sidii uu u kormeeri lahaa qodista Ceel-biyood oo  ka socda gobolka Saaxil.

Sidoo kale wasiirku waxa uu kormeer qiimayn ah ku soo maray goobaha biyuhu uga yimaadaan magaaladda Berbera.

Waxa  uu sheegay in ay ku dedaalayaan sidii guud ahaanba bulshadda Somaliland ay u heli lahaayeen biyo ku filan.

Waxa kaloo uu xusay in xataa deegaamadda dhinaca Hawdka ee ay ka qodi doonaan dhawaan ceelal biyood inta u dhaxaysa Cadaroosh oo ka tirsan gobolka Maroodijeex ilaa Dharkayn Geenyo oo Buuhoodle ka tirsan.

Daawo Wasiirka Oo Arrimahaas Ka Warbixinaya:

Dawnnews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply