Warqad Furan oo Ku Socota ,Guddiga Ka Hortaga Cudurka Cover-19

0
801

Cudurkan dilaaga ah,Daawadiisu halkan ayey taala oo waa sida halkan ku xusan : – Waa Xabaasuuda,waayo Rasuulo Rabbil Caalamiin,Muxammed [SCW]ayaa inoo sheegay, wuxuuna yidhi,XABBAD CAAFIMAAD LEH OO CUDUR walba lagu Daaweeyo,taasoo ah { XABATU SUUDAA AMA XABATUL BARAKAA]. Waana mid uu innagula dardaarmay oo uu yidhi, SALLALAAHU CALAYHI WASALLAMA. Calaykum bi-haadihi Xabbatu Suudaa. Xabaasuuda isu-daaweeya. Iyadu CUDUR walba way Daaweysaa, aan ahayn Gabowga iyo Geerida. Waxaa wariyey Imaam BUKHAARI.

Waa MALABKA. Korreeye Ilaahay[SWT] wuxuu ku ilhaamiyey SHINNIDA,oo ah duulaa yar, inay ka teelato,Buuraha,Geedaha iyo Dhiska,islamarkaana Cunto Midho kala duwan. Qaadana meel iyo jidad EEBBE u sahlay,kana soo baxaan Caloosheeda Cabid midabkeedu kala duwan yahay. Daawona Dadka ugu sugnaatay[Shifaa’un min kulli Daa’in,taasina waa Calaamad ina tusaysa Awoodda EEBBE,Ciddii Fikiri. S/ Al-Naxal aayada — 68—69. Labadan arrimood ayaa ah,Daawo aan innaba shaki ku jirin,ee Bukaankeena ha lagu daweeyo.

Waxaana loo isticmaalaya sida halkan ku xusan oo ah : – 1. Aroorti cuntada ka hore,waxaa Bukaanka la siinaya- Maqaacad Malab ah iyo Malqaada yar ee shaaha oo laysku daray.habeenkiina sidaas oo kale. 2- Dadka macaanka qaba Malqaacada yar labadeed arroort Cuntada ka hore iyo habeenki intaanu seexan[waa saliida xabaasuuda]. Waa hubaal inay bukaankaasi Caafimaad ama Bogsiin ka heli doonaan, In’shaa’allaahu Tacaalaa.

Sidaas darted,anigu dhakhtar ma ihi ee waa mid aan rumaysanahay,inay labadaas qodob lagu guulaysan doono.

XUSUUS : – Waa in Arrinkan lagu wacyi geliyaa Dadkeena si guri walba Daawadan looga isticmaalo,laguna adkeeya inay laba wakhti isticmaalaan, Subaxdi iyo Habeenkii,si joogta ahna ay Daawadan u isticmaalan,waayo ka hortag iyo Caafimaad ayey ka helayaan. Wacyi galintana ha lagu Xoojiyo TASBIIXDA. SUBXAANALLAHI WABI XAMDIHI,SUBXAANALLAAHIL CADIIM. QOF KASTOO INNAGA MID IHII,HADDUU FADHIYO,HADDUU JOOGO IYO HADDII UU SOCDABA TASBIIDAN YUUSAN AFKA QADAADIN. Waxaan hubaa in cudurka dilaaga ah muddo kooban oo Koreeye Ilaahay[swt] inaga dulqaadi doono ee yaan xuska ilaahay[swt] laga tagin. WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Muxammed jaamac Liibaan. Mobil- 0634424603. Hargeysa. 14/05/2020.

Leave a Reply