Xukuumadda oo Diginin u Dirtay Ha’yaddaha Qaramada Midoobay

0
554

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ha’yaddaha qaramada midoobay uga digtay in deeqaha ay Somaliland aanay soo marin dawladda tagta daran ee ka arrimisa qaybo ka mida magaalada Muqdisho

 

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey sannad guuradii 29aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay ixtiraama go’aanka shacabka

“Wadammada Beesha Caalamka waxaanu ugu baaqaynaa in ay tix-geliyaan, isla markaana taageeraan go’aanka iyo aayo ka tashiga shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay xaqa u leeyihiin. “ayuu yidhi

 

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aan marna la aqbalayn gargaar ay leedahay Somaliland in lasoo mariyo Soomaaliya , waxana uu yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa gar-gaar kasta iyo deeq kasta oo beesha Caalamku ku caawinayso Jamhuuriyadda Somaliland. Balse marna aqbali mayso gar-gaar iyo deeq kasta oo la soo mariyo Soomaaliya, oo ay mar wax wada lahaan jireen Somaliland, balse ay hadda yihiin laba dal oo kala madax-bannaan. Gar-gaarkaa iyo deeqdaasina waxaanu u aragnaa mid la siyaasadeeyey oo aan ku iman niyad wanaagsan”

 

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa uga digay ha’yaddaha beesha caalamka in ay isku dayaan in ay gargaarka soo mariyaan Soomaaliya isaga oo sheegay in ay talaabo ka qadayaan “Xukuumadda Somaliland waxa ay uga digaysaa Hay’addaha Caalamiga ah iyo Kuwa Qaramada Midoobay in ay gar-gaarka Beesha Caalamku ugu talo-gashay Somaliland isku dayaan in ay soo mariyaan Soomaaliya. Waxa ka yaalla Sharci, waxaanay meel ka dhac ku tahay Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yidhi

 

Leave a Reply