Dawlada Somaliland oo Meel Adag iska Taagtey Deeqda Soomaaliya ee Badhan

0
548

Hargeysa (Dawan) Wasiiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Somaliland mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qanbi, ayaa sheegay in ay ka xukuumadd ahaan soo dhaweynayaan caawimo kasta oo dadka deegaanada Buuhoodle iyo deegaanada kale ee Somaliland, taasi badelkeedana aanay marnaba aqbaleyn in dawlada Faderalka Soomaaliya ay siyaasadeyso deeqaha ay soo gaadhsiineyso deegaanada Somaliland.

Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Somaliland ayaa tilmaamay hadii dawlada Faderalka Soomaaliya ay dooneyso inay caawiso shacabka Somaliland ay wixii caawimo ah ugu soo dhiibi laheyd hay’addaha caawimada, hase ahaate deeqdaasi ay soo gaadhsiisay Buuhoodle ay u muuqato mid siyaasadeysan oo lagu doonayo in dadka reer Buuhoodle la kala dhex dhigo dhibaato aanay wakhtigan qaadi karin.

Sidoo kale wasiir Qanbi waxaa uu daboolka ka qaaday in ay ka soo horjeedsanayaan wax kasta oo ay ku jirto aririmo siyaasadeed arrintaasina ay xukuumadda Somaliland ka yeeli doonto wixii kala gudboon “Hadii ay dawlada Faderalku ay Buuhoodle wax siinaysay oo waxtareyso oo ay leedahay Buuhoodle ayaa u eeg meel wax la siiyo diyaarada inta ay daawada soo saaraan ayay odhanlahaayeen odayaasha kala dega, laakiin wasiir ayaanu daba dhigeynaa waa wax wax ku lifaaqan yihiin, wixii wax ku lifaaqan yihiin ee siyaasadi ka danbeysana waanu ka soo horjeednaa, wixii naga qabta ayaanu ka yeelaynaa oo aan muran laheyn.

Wixii Buuhoodle soo gaadha Yuhuudna haka soo gaadhe ee ku saabsan wixii waxtar u ah umadda, waa wax loo baahan yahay, waxna aanan ka odhan karin, wixii siyaasadi ku jirto ama dabada ay ku heyso dawlad siyaasadeyneysa waanu is hortaageynaa, waananu ka soo horjeednaa, waxna waanu ka muujineyna”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi raaciyey in deegaanada Buuhoodle iyo kuwa kale ee ku xeeranba ay ka tirsan yihiin Somaliland, xukuumadd ahaana ay deeqo kala duwan gaadhsiiyeen imikana ay gaadhsiin doonaan “Buuhoodle waa Somaliland, wacyigelintii xannuunka Covid-19na waa laga sameeyay, hada waxaa la diyaarinayaa gobolada oo dhan barnaamijkii arrinka lagaga caawinlahaa, hab dawo, hab shaybaadh, hab dhaqaale, intaasiba Somaliland waa ay wadda”

Leave a Reply