Ayax Dhibaato Ku Haya Deegaamadda Woqooyiga Gobolka Maroodijeex

0
476

 

Ceel- Sheekh (Dawan): Ayaxa aad u fara badan oo dhibaato u gaystay dalagyadii beeraha iyo dhul daaqsimeedkiiba ayaa laga soo sheegayaa  deegaamadda goboladda xeebta Saaxil iyo Maroodijeex.

Ayaxaasi ayaa la sheegay in uu cunay dhamaanba noocyadii kala duwanaa ee dalagyadii ay dadku beerteen, kaasoo ilaa hadda ku sugan deegaamadaasi oo aan weli ka guurin ama dhinac kale u dhaafin.

Bulshadda deegaamadda uu Ayaxani ka dilaacay ayaa cabasho weyn ka muujiyay khasaaraha uu soo gaadhsiiyay dalagyaddii iyo midhihii ay beeralaydu tabcadeen.

Sida uu noo xaqiijiyay Caaqil Mustafe Aadan Cigaal, oo ka mida madax dhaqameedka deegaanka Boodaale oo ka tirsan degmadda Ceel Sheekh ee gobolka Saaxil oo caawa la soo xidhiidhay wargeyska DAWAN.

“Ayax aad u fara badan oo mooddo guutooyin, oo raacba-raac bedelayo ayaa beerihii baabiyay. Ilaa 70 beerood ayuu cunay Ayaxu. Beeraha dalag kala duwan ayaa ka baxay, dhamaanba wixii dalag ahaa wuu cunay Ayaxu”ayuu yidhi Caaqil Mustafe Cigaal.

Isagoo faahfaahin ka bixinayay noocyadda dalagyadda uu Ayaxaasi ka cunay beeralayda, waxa  uu yidhi, “Wuxuu kaga tegay Qori qalalan, dhamaanba wixii dalag laga beertay, sida Canbihii, Tamaandhadii, Basbaaskii, Bar-baroonigii, waxba kagamuu tegin”.

Sidoo kale caaqilku waxa uu ka warbixiyay jihadda uu Ayaxxani kaga yimid iyo saamaynta uu ku yeeshay deegaankaasi.

“Ayaxani wuxuu nagaga yimid dhinaca xeebta, ama Badda ee Ceel Sheekh ayuu nagaga soo kacay. Meesha waxaa la yidhaahdaa deegaanka Boodaale, oo qiyaastii 70 KM u jira magaaladda Hargaysa”ayuu yidhi caaqil Mustafe Cigaal.

Geesta kale Caaqil Mustafe Aadan Cigaal, waxa uu sheegay in aanay ilaa hadda jirin cid gacan ka siisay sidii wax looga qaban lahaa Ayaxan dhibaatadda ku haya deegaamadaasi.

Waxaanu yidhi, “Cidi-na waxba nagalamay qaban, Koronkoradii-na way dhalatay, oo imika  way soo socota. Ayaxii kale-na weli wuu joogaa. Dawladda Somaliland iyo cid kaloo noo timaada, maanaan arag”.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply