DEG DEG :- Xukuumadda Somaliland oo soo saartay Go’aamo Cusub

0
119

Hargeysa-(Dawan)- Guddida heer Qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka COVID-19 oo uu shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeen Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddimiyaha Guddida  Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) shir ay maanta (13th  April, 2020) isugu yimaadeen waxay ka hadleen khatarta xanuunka COVID-19 oo kordhaysa iyada oo 3 qof oo cusub laga helay xanuunka.

 

Gabagabdii shirka waxa guddidu isla garatay in loo baahan yahay in la qaado talaaabooyin wax ku ool ah oo lagu  xakamaynayo  faafidda xanuunka COVID-19 ee bulshada dhexdeeda, waxayna soo saareen qodobadan hoos ku xusan:

 

1- in la joojiyey tukashadii salaadda ciidda iyo isku imaantigii bulshada

 

2- in aan la furi karin goobaha caruurta lagu ciyaarsiiyo wakhtiyada ciidaha

 

3- in la joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadka muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabmaysa maalinta Ciidda ka horeysa wixii ka danbeeye kowda duhurnimo

 

4- iyo dugsiyada dalka la galiyey fasaxoodii caadiga ahaa laguna soo noqonayo Bisha July

 

5- in la joojiyey isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha u kala gudbaya magaaloyinka, waxana bulshada dhammaan la farayaa in qofkasta ku ciido gurigiisa

6- in aan Hotelada lagu qaban Karin wax caasumad ah oo kulmisa dad tiro badan

 

Go’aamadan ayaa kusoo beegmaaya xilli uu xanuunka safmarka ee COVID19 uu si xawliya ugu fidaayo deegaanada Somaliland kaasi oo ay I jiifaan bukaan tiradoodu dhan tahay 110 islamarkaana ay u dhinteen 11 qof gud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here