Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe oo Talooyin u jeediyey Xukuumadda Somaliland

0
560

Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe ayaa talooyin u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, Qurba-joogga dalka iyo bulshada Somaliland, isagoo ka hadlay arrimo badan oo masiiri ah oo ka soo jeediyey talo iyo tilmaan.

Suldaan Barkhad oo kamida Isimada aan inta badan warbaahinta lagu arag, ayaa laga baahiyey muuqaal uu si qoto dheer ugu qeexay howlaha nabadeynta gobolka Sanaag iyo ilaalinta midnimada qaranka, isagoo xusay “dastuurka Somaliland waxa u codeeyey 97% oo ogolaaday gooni-isu-taaga”ayuu yidhi.

“Shirkii burco waxa lagu sameeyey guddi ka kooban 21 xubnood oo loo xilsaaray nabadeynta Gobolka Sanaag, waxaan xukuumadda ka codsanayaa in guddidaas lagu doortay shirkii labada beelood laga shaqaysiiyo oo loo xilsaaro nabadeynta ceel-afweyn, kuwaas ayey kalsooni ku qabaan labada beeloode kuwaa madaxweyne ka shaqaysii”ayuu mar kale yidhi Suldaan Barkhad isagoo ka hadlayey xal u helida colaada dhawaan ka soo cusboonatay gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaan fadhi-gaab.

“Soomaaliya kuwa ku sii yaacaya waxaan leenahay waar halkaa waxba inooma yaallaan. xukuumaddana waxaan leenahay kuwii wasiirrada soo noqdaybaa halkaa ku yaacayee ma xukuumadday wax ku tuhmeen?. madaweynaha waxaan leenahay adigaa dalka laguu doortay, adigaa lagaala xisaabtamayaa u cadee in midnimada Somaliland muqadas tahay oo aanu gorgortan ku jirin caalamka gaal iyo Islaam”ayuu tilmaamay Suldaan Shaybe.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Bilihii la soo dhaafay xubno kamida madaxdhaqameedka Somaliland ayaa si tuhun ku jiro ugu eeddeeyey xukuumadda arrimo ku saabsan wadahadallada Soomaaliya, iyadoo ay qaarkoodna dalbadeen in laga qaybgeliyo madaxdhaqanka wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland.

Leave a Reply