Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Lix Baabuur Kala Wareegtay Hay’adda FOA

0
667

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda beeraha Somaliland ayaa maanta lix baabuur oo ay saran yihiin qalabka buufinta oo loogu tallo galay in lagula dagaalamo Ayax ka dilaacay deegaamdda xeebaha kala wareegtay hay’adda FOA.

Gawaadhidan ay hay’adda FOA ku wareejisay wasaaradda beeraha Somaliland ayay kaga jawaabaysay  baaqyo iyo codsiyo uu hore ugu diray wasiirka beeraha Somaliland.

Codsiyadaasi oo la xidhiidhay sidii wax looga qaban lahaa Ayaxa ka dilaacay deegmadda xeebaha Somaliland.

Lixdan baabuur waxaa maalgelisay hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan kaalmadda wadamadda dibadda ee magaceedda loo soo gaabiyo USAID.

Munaasibadii lagula kala wareegayay baabuurtaasi waxaa goob joog ka ahaa wasiirka beeraha Somaliland, wakiilka hay’adda FOA u qaabilsan Somaliland Maxamed Jaamac, iyo  agaasimaha waaxda gaadiidka ee wasaaradda jidadka iyo gaadiidka Somaliland.

Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa ku amaanay hay’adda FOA in ay ka caawiyaan dhinacyo badan sida tababarada iyo hadba waxyaabaha ay uga baahdaan.

Waxaanu uga mahad celiyay baabuurtan ay maanta ku wareejiyeen. Waxaanu yidhi, “FOA, waa hay’adda keliya ee sida dhaw noola shaqaysa. Waxaanan maanta kala wareegaynaa lix baabuur, kuwaasoo loogu tallo galay in ay ka hawl galaan dhamaanba goboladda dalka Somaliland, meel kastoo lagu sheego Ayaxa”.

Waxanu yidhi, “Baabuurtan waxaa saran lix buufimo, oo ah kuwo lagula dagaalamayo Ayaxa. Waxa kaloo ay noo keentay afar kuwa dhexe ah, waxa kaloo ay noo keentay lix buufimo oo nooca Dhabarka lagu qaato ah. 1900 oo KG oo ah daawadda lagu buufinayo Ayaxa.

Daawadaasi oo waxa keliya ee loogu tallo galay, ee ay dilaysaa ay tahay Ayaxa, balse aan dhibaato kale ku keenaynin deegaanka, dadka iyo duunyadda iyo noolaha kale. Waxa kaloo iyad-na gacan ka gaysatay, oo maalgelinta iska lahayd hay’adda Maraykanka ee USAID”.

Geesta kale wasiirkka beeraha Somaliland waxa uu sheegay in ay todobaadkan danbe soo gaadhi doonaan laba diyaaradood oo nooca Ayaxa dusha sare ka buufiya ah oo ka soo kici doona magaaladda Nairobi.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaa soo socda oo todobaadka danbe na soo gaadhi doona diyaarradihii dusha ka buufin lahaa Ayaxa.

Kuwaasoo si toosa uga soo duuli doona magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana ka soo degi doona garoonka diyaaradaha ee Hargaysa”.

Dhinaca kale waxaa isma halkaas ka hadlay wakiilka hay’adda FOA u qaabilsan Somaliland Maxamed Jaamac, waxaanu sheegay in baabuurtani ay ku yimaadeen iyadoo FOA  ka jawaabaysa baaqyadii wasiirka beeraha.

“Sidii looga hor tegi lahaa, loona yarayn lahaa dhibaatadda,  aafadda Ayaxa. Waxaan lix baabuur oo gawaadhi cusub ah iyo qalabkoodiiba ku gaaashaaman, ee lagu buufinayay Ayaxa, oo casri ah. Dalabkii wasiirku hormoodka ka ahaa laga soo jawaabay”ayuu yidhi madax FOA  ee Somaliland.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Iyadoo lagu jiro xaalad adag, oo qof waliba gurigiisa ku jiro, ayaa qaylo-dhaantii wasiirka ee is-daba jooga ahayd.

Waxay maanta suurto gelisay, in ay hay’adda FOA ka soo jawaabto, ilaa heer gobol. Baabuurtan, daawooyinkii oo ku xigi doona iyo buufintii xagga Cirka, intaaba waa laga soo jawaabay wasiirka.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply