Muhiimada Ay Dalagyada U Leeyahay Ciida Ama Carro San Ah Oo Ku Haboon Wax Beerashada

0
697

Qaybta hore ee qormadeenan (BEERAHA IYO DEEGAANKA) ee wargeyska Dawan waxaynku ku soo qaadan doonaa muhiimada  ay dalagyada u leeyahay ciida ama carro san ah oo ku haboon wax beerashada. In badan dhibaatooyinka dalkeena haysta ee u baahan in ummad ahaan xal laga gaadho waxa ka mida cuntooyinka inooga yimaada wadamada dibada, kuwaas oo uu dhaqaale badani qaran ahaan inagaga baxo. Haddii dadkeenu ay u jeesan laayeen xagga waxa soo saarka waxa hubaal ah in uu dhaqaalahaasi inoo madhxi lahaa, oo ay nu uga faa’iidaysan lahayn meelo kale oo ku haboon, sida horumarinta arrimaha bulshada oo ay ugu muhimsan yihiin, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo hurumarinta bulshada guud ahaan.

Hadaba qaybta hore ee qormadeenan beeraha iyo deegaanka waxaynu ku soo qaadan doonaa ku soo qaadan doonaa faa’iidooyinka kau jira isticmaalka dalagyada ka baxa dalkeena ee loo yaqaan wadaniga.  Hadhuudhka iyo dalagyo kale oo aad u badaniba waxay ka mid yihiin waxayaabaha ay beeralaydeenu ku tabcaan beeridiisa, dalagyada Galayda, Digirta, Qanadida, Garawga, Heeda iyo qaarkale oo badaniba wayka baxaan ciida dalkeena sida ay inta badanba xaqiijiyaan aqoonyahaynada ku xeesha dheer cilmiga culuumta beeraha. Hadaba  dalkeena kabaxayaan dhamaan dalagyadaa aanu soo sheegnay hadana waxa jira in inooga yimadaan wadamo kale dalagyadan oo qaarkood ay nihiin kuwo aan laga maarmi Karin sida Bariiska iyo Baastada oo inooga yimaada wadamo kale, Waxa kale oo jira dalagyo ka yimaada wadamo kale sida Itoobiya oo soo gala dalkeena. kala duwanaan shaha ladaa dalag aya waxaanu wax ka waydiinay Xaliimo Xasan oo aanu kala kulanay  suuqa xero hadhuudha ee magaalada Hargeysa iyadoo sharaxaad ka bixinaysa dalagyada wadaniga ah ee dalkeena ka soo go’a waxay tidhi “Waxa jira dalagyo badan oo ka ay beeraan beeralaydeenu oo ay ugu talo galaan in dadka wadanka u dhashay ay isticmaalaan balse waxaad maadaa in dadkeenu ay hadda soo fahmayaan oo waxa jira dad badan oo jecel in ay cunnaan oo karsadaan waxyaabaha wadankooda ka soo go’a, markaa waxaan leeyahay imika waxay dadwaynuhu usoo jeesteen isticmaalka dalagyada wadaniga ah.” Faadumo Cali oo iyna  ah haweenay bakhaar ay ku soo dagaan dalagyada kala duwan ee dalka  ka baxa ku leh magaaladda Hargaysa ayaa waxay sharaxaad ka bixisay dhibaatada  lagala kulmo marka dalka la keenayo dalagyada laga keeno wadamada kale sida Itoobiya iyo faraqa u dhexeeya dalagyada wadankeena ka soo baxa “ Dhibaatooyinku ma yara, imikana beeralaydeenii sanadkan shini aad u badan bay beerihii ku shubeen oo waynu sugaynaa, si kastaba ha ahaatee wax soo saarka dalkeena iyo mid shisheeye marnaba maaha kuwo lala simi karo.” Mar ka hadlaysay dadka qaar oo ay sheegtay in jiraan dad badan oo iska jecel in ay cunnaan amma ay isicmaalaan waxyaabaha aan dalkooda ka soo go’in, iadoo taasna ku dheegtay in tahay dhibaato haysata dadka reer Somaliland carrabkana ku dhufatay in loo baahan yahay in laga waantoobo  ”Dadka waxaan u soo jeedinaynaa baaq kaas oo aan leeyahay wallaalayaal isku mid maaha waxa dalkaaga ka soo baxay oo cashuurtiisu jaban tahay iyo wax dal kale inooga yimi oo aynaan lahayn markaa waxaan leeyahay waxan wadamada kale inooga yimaadaa wax faa’iido.” Faadumo Mar ay ka hadlasay faa’iidooyinka caafimaad ee ku jira cuntooyinka wadaniga ah ee aynu beerano waxaanay yidhi “Dadka cunna wax yaabaha aynu beerano ee dalkeena ka soo baxa sida raashinada ay ka mid ka yihiin Galayda, Digirta, Qamadida iyo kuwa kale ee la midka ahba waxay dadka u leeyihiin faa’iidooyin aad u balaadhan waxaana tusaale kuugu filan qofka isticmaala amma cunna waxyaabahaas aynu ka soo waranay in aanu qofkaasi yeelan xannuunadan imika aadka u soo badanaya ee ay ka midka yihiin macaanka iyo dhiigkarku markaa waxaanu dadkeena ku waaninaynaa in ay cunnaan oo bartaan cuntada wadaniga ah.”

Haweenaydani  iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay talo u soo jeedisay beeralayda ku ku dhaqan Somaliland waxaanay tidhi “Beeralayda waxaan u soo jeedinayaa in ay wadankooda hoos u eegaan, oo ay wax soosaarkana badiyaanbiyaha ina dhaafayana ay ka faa’iidaystaan waayo, dalkeenu waa dal wax soo saarka ku fiican.”

 

Leave a Reply