Xanuunka Korona Fayras Oo Dalka Shiinaha Dib Uga Dilaacay Isaga Oo Nooc Cusub Ah.

0
637

Dawladda dalka  Shiinaha ayaa cadeeyey in gobolka Waqooyi Barri dalkaasi  lagu arkay xaalado cusub oo xanuunka Korona Fayras ah , kaas oo u muuqda mid ka duwan xanuunkii hore ee Korona Fayras ee hore looga helay magaalada Wuhan , waxaanu noocan cusub ee xanuunka ahi kaga duwan yahay kii hore waxyaalo badan.

Dr Qui Haibo oo kamid ah dhakhaatiirta ka hawlgasha xarumaha ugu horeeya dhinaca caafimaadka ee wadanka Shiinaha oo u waramaayey telefishan dalkaasi laga lee yahay ayaa sheegay in ay ku arkeen Xanuunka Korona Fayras goboladda Waqooyiga  Shiinaha , gaar ahaana  Jilin iyo Heilongjiang, waxaanu  tilmaamay dhakhtarkani  in xanuunkani uu waqti badan ku jiraayo jidhka qofka, isla markaana ay muddo dheer qaadanayso in laga bogsadaa.

Dr Qui oo hore uga soo shaqeeyey  magaaladda Wuhan  ayaa sheegay in ay xaaladahan  ka heleen 46 xaaladood, kuwaas oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyeyba ku fidaayey saddex magaalo oo kala ah Shulan, Jilin  iyo Xinjiang, kuwaas oo uu xanuunku dib ugu soo noqday, waxaana goboladaasi ku nool dad gaadhaaya ilaa 100 Milyan oo qof.

Dhakhaatiirta iyo Saynisyahanada  ayaa tilmaamay in uu xanuunkani is bedelay, isla markaana ay ka cabsi qabaan in uu isbedelo kale sameeyo, iyada oo laga cabsi qabo in uu xanuunkaasi si deg deg ah ugu fido wadankaasi goboladiisa, iyada oo hore gobolka Hubei uu xanuunkani ugu saameeyey in ka badan 68,000 oo qof.

Xanuunkan ayaa inta badan waxyeelo kasoo gaadhsiiyey dadka uu ku dhacay Sambabada ,Wadnaha, Kelyaha iyo Mindhiciradda oo uu dal dalooliyey xanuunkani , waxaana laga cabsi qabaa in dib loo xidho adeegyadda tareenada, Dugsiyadda  iyo goobaha kale ee dadku isugu yimaadaan.

Leave a Reply