Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Maalinta Sabtida waa Ciid..Rasmi

0
617

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay in ay maalinta Sabtida oo beri ah tahay Ciid, Bisha Shuwaalna la xaqiijiyey aragtideeda.

Wasiir Khaliil Sh. Cabdilaahi Axmed oo goordhaweyd ka hadlay Telefishanka Qaranka, ayaa xaqiijiyey wakhtiga ay tahay munaasibada Ciidal-fidriga.

Goor sii horaysay ayaa waxa uu Wasiirku ku dhawaaqay in maalinta Sabtida ee Beri ay ramadaan tahay.

Magaalada Hargeysa, qaar kamida Masaajidada ayaa laga bilaabay Takbiirta munaasibada Ciidal-fidriga.

Dhanka kale, deegaamo badan oo kamida dhulka Soomaalida ayaa laga sheegay aragtida bilashada Bisha Shuwaal.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddan ayaa ka duwan ciiddihii hore, iyadoo aan lagu tukan doonin sida ay dawladdu amar ku bixisay goobihii lagu oogi jiray salaadaha Ciidda.

Dadka ayaa ku tukan doona guryaha, waxaana sidaasi loo sameeyey xakamaynta cudurka Corona Virus oo saameeyey dhamaan isu soo baxyadii dadweynaha ee caalamka.

Wasiir khaliil, ayaa sheegay in ay dadku guryahooda ku tukadaan, isla markaana ku oogaan Takbiirta ka horaysa salaada.

Waxa kale oo uu tilmaamay in ay culimada ka faa’idaystaan dadka aan aqoon qaabka loo tukanayo salaada Ciidda.

Leave a Reply