Eng.Axmed Cabdi: Muwaadin isu-xilqaamay wacyi-gelinta Shacabkiisa

0
443

Hargeysa(Dawan)-Wuxuu magaalooyinka waaweyn qaarkood, gaar ahaan caasimada ku dhex wareegaa gaadhi uu ku rakiban yahay codbaahiye gudbinaya farriimo wacyi-gelin ah oo ku saabsan ka foojignaanta cudurka Corona Virus.

Gaadhiga isagaa leh, qalabka cod-baahiyaha isagaa Iibsaday, kharashka maalinlaha ah ee kaga baxa howshana isagaa daboola.

Ka sekow farriimaha codka ah, waxa uu gaadhigiisa ku dhejiyey waraaqo ay ku taxan yihiin tilmaamaha ka hortagga cudurka Covid19 oo faro-baas ku haya dunida oo dhan, si gaar ahna wadamada geeska Afrika oo aan lahayn itaal badan oo ay kula tacalaan cudurkaasi.

Eng. Axmed Cabdi Ibraahim waa muwaadin u dhashay Somaliland oo ku nool magaalada Hargeysa, ahna aqoonyahan xoogsada oo u shaqeeya mid kamida Shirkaddaha Isgaadhsiinta dalka, hase ahaatee intaasi waxa u dheer in uu yahay murrashax u taagan Golaha Wakiillada ee Dalka, isagoo inta badan ka shaqeeya howlaha danta guud.

Xukuumadda Somaliland, ayaa kharash badan ku bixisay wacyi-gelinta cudurka Corona Virus, kaasoo la siiyey qaybaha Warbaahinta, gaar ahaan Telefishanada iyo wargeysyada ka soo baxa caasimada Hargeysa, dad majaajilaysteyaal ah iyo dad kale oo sida Axmed iyagoo gaadiid wata dhex wareegga magaalooyinka qaar.

Hase ahaatee, Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo Gobanimonews waydiisay cidda ku maal-gelisay barmaamujka uu iskii u qabto ee wacyi-gelinta ah, ayaa sheegay in aanay jirin cid taageero ku siisay dawlad iyo shacab toona, howshana uu waday tan iyo markii cudurku ka dilaacay dalka.
Way dhici kartaa in ay ogyihiin masuuliyiinta Dawladda qaarkood howsha baaxada leh ee uu Ninkani isu-xilqaamay, balse wali may xusin guddida uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenku ee xakamaynta Covid19 dadka iskood isugu diray badbaadinta shacabka.

Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo dhawaan waraysi siiyey Telefishanka Universal, ayaa sheegay “maalin walba laba saacadood ayaan ku bixiyaa howsha wacyi-gelinta oo aan dhex maraa dadweynaha anigoo gaadhiga wata”ayuu u sheegay Telefishanka.

Halkan ka Daawo Muuqaal Waraysi lala yeeshay:

cudurka Corona Virus, ayaa todobaadyadii u dambeeyey xadhkaha goostay Somaliland, waxaana saddex maalmood gudahood laga helay 37 Qof, halka ay dhimashaduna marayso 9 qof.

Leave a Reply