Halkee Ayuu Marayaa Dhismaha Jidka Isku Xidha Hargaysa iyo Salaxley?

0
669

Salaxley (Dawan): Jidka isku xidha Salaxley iyo Hargaysa oo dhererkiisu yahay 70 KM ayaa la bilaabay sanadkii 2012-kii, kaasoo 39 KM oo ka mida Laami laga dhigay, halka 21 KM oo kale-na la dhigay Carro-kaawo.

6 KM oo ka mida jidkaasi ayaa shalay la bilaabay in la saaro Carro-kaawo, iyadoo-na la qorsheeyay in lagu dhamaystiro muddo laba todobaad ah.

Sida uu sheegay  Eng. C/rasaaq Maxamed Faarax (Wii-waa), oo ah guddoomiyaha dhismaha jidka isku xidhaya Hargaysa iyo Salaxley oo maanta la hadlay warbaahinta dawladda oo faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo dhismaha jidkaasi iyo waxyaabaha ka dhiman.

Waxaanu sheegay in lacagta ugu badan ee la geliyay dhismaha jidkaasi waxaa bixiyay dadka deegaankaasi u dhashay  iyo dad kaloo muxsiniin ah.

Halka xukuumadii Axmed Siilaanyo ay bixisay 7000 kun oo dollar, halka xukuumadda hadda talladda wadanka haysa ee madaxweyne Muuse Biixi-na ay bixisay 1000 kun oo dollar.

Eng. C/rasaaq Maxamed Faarax (Wii-waa),  waxa uu tilmaamay in dhismaha jidkaasi markii uu isagu yimid oo ku beegnayd horaantii sanadkii 2019-kii, isla markaana wixii intaa ka horeeyay la dhamaystiray 39 KM oo Laami ah.

Geesta kale Eng. C/rasaaq Maxamed Faarax (Wii-waa), ayaa ka codsaday wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka ee Somaliland in uu u ogolaado in gawaadhiga dawladdu leedahay ee  ka shaqaynaya dhismaha jidkaasi.

 

Daawo: Eng. Wii-waa Oo Arrimahaas Faahfaahin Ka Bixinaya:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply