Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo ka Hadlay Geerida Taliye Fooxle

0
704

Hargeysa-: ALLE ha u naxariistee waxa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum- Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), waxaana shacbiga ka tacsiyadeeyey Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Asluubta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee General Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid hawlkar ah oo qaranka tacab badan geliyey, aqoon dheeraadana u lahaa hab-maamulka ciidamada, kana mid ahaa saraakiishii qaybta weyn ka qaatay aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland oo uu markii danbena ka soo qabtay xilal kala duwan, intaanu uga wareegin ciidanka Booliska oo uu ka gaadhay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland oo uu muddo dheer ahaa, balse sannadkii 2019kii ayaa mar kale loo beddelay taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland oo uu ilaa hadda ahaa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka dhiidhiyey kana dagaalamay xasuuqii Keligii taliyihii macagaga ahaa ee Siyaad Barre sideetamaadkii ku hayey shacbiga Somaliland oo uu ka talaabay isagoo ah gashaanle sare ah kuna biiray ciidankii SNM ee dhaliyey dib ula soo noqoshadii xornimada madax-bannaanida Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Dhinaca kalena Guddoomiyaha Golaha Guurtidda JSL Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa qoyskii, qaraabadii iyo ciidanka Asluubta Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida ALLE ha u naxariistee Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland Marxuum-Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo uu ku tilmaamay masuul xilkas ahaa oo daacadnimo muddo dheer ugu soo adeegayey ummadiisa.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu Marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo Ciidanka Asluubta ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Leave a Reply