Dowlada Hoose ee Degmadda Berbera oo Qoysas Danyara Siisay Guryo

0
795

Berbera (Dawan) Boqol iyo lix iyo konton qoys kana mida dadka danta yar ee ku nool magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa la siiyay guryo ka sameysan laban (Jaajuur) iyo jiingad kuwaasi oo dhismahooda dhawaan la hirgeliyay.

Guryahan oo ay qeybisay dowladda hoose ee degmada Berbera ayaa ka kooban laba qol, goobtii cuntadda iyo suuli.

Dadkan danyarta ah ayay dowladda hoose u siisay guryahan si ay bulshada uga mid noqdaan, islamarkaana ay u helaan degganaansho, adeegyada bulshada iyo shaqooyin.

Duqa degmada Berbera Cabdishakuur ayaa xusay inay ka dhiseen guryahaas dhulka ay dowladdu leedahay, isagoo intaas raaciyay in dhismaha guryahaas kamid yihiin xarun caafimaad, dugsi hoose dhexe iyo biyihii iyo laydhkii, rug boolis, iwm.

Duqa degmadda Berbera mudane Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) ayaa 156 guri oo ka mid ah 300 oo guri, oo loo dhisay dadka danyarta ah ee reer Berbera ee hore bakhtiiya nasiibka ugu guulaystay, si rasmi ah lugu wareejiyay guryahoodii.
Waxaanu duqa degmada Berberi farta ka saaray dadkaasi danyarta ah sharciyadii ay guriyahaasi si iskooda ay ugu yeelan lahaayeen.

Duqa degmadda Berbera mudane Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Iyada oo ay aheyd wakhti hore in aynu guryahan wareejino, ayaa waxaa in badan aanu dooneynay in aanu waafajino inaga oo fulineyna awaamiirta heer Qaran, ee guddida ka hortaga Covid-19, sidaasi darteed laba qaybood ayaanu maanta ka kala dhiganey, qaybta koowaad in qof waliba gurigiisi la wareego deetaana berri wixii ka bilaabma uu aayar si fudud u soo guuro oo soo gallo, waxaa aanu wareejineyna hantidda dhan waxaa aanu ku wareejineyna dhulka iyo cabirkiisa, iyo go’aankii iyo mulkiyadii meeshani laheyd ayaaanu ku wareejineynaa, maanta laga bilaabana cabirkaagu waaka ku sar go’an, suuligaagii waakan, gurigaagi waakan, laba iyo toban mitir iyo badh iyo shan iyo toban mitir iyo badh weeyi, wixii hada ka bilaabmana waa hanti aad leedahay, waanad dhisan karta waad kordhin kartaa, dayrkaaga waad xidhan karta, hadaad doonto inta kan aad iska laabto ayaad guri ka dhisan kartaa.

Anagu waxaa aanu fulineynaa in qofkasta oo muwaadina oo magaaladan degani uu ka baxo ku dul noolaanshaha qoysaska kale ee uu ku dul nool yahay, si aynu u helo nolol wanaagsan oo horumar leh, adeegyaddii aasaasiga ahaa halkani ayay nooga dhisan yihiin, waala balaadhinayaa uun, haday xanaanadii tahay waatan imika la balaadhinayo, masaajidkii ayaa ku yaala, saldhigii ayaa ku yaala, iskuulkii, biyihii, laydhkii, dhammaan adeegyadii oo dhan ayaa kugu yaala waala isticmaalaya, xaafadani waa bilow sida taa horeba ay hana qaad u noqotay, waanay sii kordhayaan, waxaana la doonaya in afar boqol oo qoys ay halkani degaan, gurigan adaa iska leh saacadan laga bilaabo furihiisi waakaa, adaa hagaajisanaya, dawlada hoosena idinka hadhimeyso ee horumarintiina ayay idinkalla shaqeyneysaa”

Sawirka guryihii maanta loo qaybiyay dadka danyarta ah ee degmada Berbera oo ku helay bakhtiyaa nasiib

 

Sawirka Duqa degmada Berbera, xughayaha degmada, iyo gudoomiyaha gobolka, iyo mid ka mida dadkii danyarta ahaa ee guryaha maanta lagu wareejiyey.

Leave a Reply