Somaliland oo Qorshaynaysa in maaddada Waddaniyada lagu dhigo Dugsiyada Dalka

0
592

Hargeysa (Dawan) Somaliland oo qorshaynaysa in maaddada Waddaniyada lagu dhigo dugsiyada dhexe iyo sare.

“Waa buugga maaddada barashada waddaniyadda, qaybta tacliinta sare, waa buug ka kooban 130 Bog iyo cutubyo badan”

Sidaa waxa bartiisa degalkiisa “Facebook” ku sheegay agaasimaha guud wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland, mudane Jamaal Cabdi Muuse.

Agaasimaha ayaa tibaaxay in wasaaraddaha waxbarashada iyo Dastuurku iska kaashadeen taabagalinta buuggan oo socday muddo sannad iyo badh ah. Halka ay dhawaan rajaynayaan in ay soo saaraan qaybtii dugsiyada dhexe iyo sare.

Leave a Reply