Dulqaadka Iyo Dhaqankii Rasuulka (scw)

0
2162

Rasuulka Allah (scw), oo la fadhiya asxaabtiisa ayuu nin Yahuud ah oo magaciisu ahaa  Zayd Ibnu Sacnah, kana mid ahaa culimada Yahuuda, u soo galay Rasuulka (csw), isagoo soo dhex jiidhay, safafka asxaabta ilaa uu soo gaadhay Nabiga (csw). Ka dibna wuxuu ku jiiday maradii Rasuulka (scw) qoortiisa, waxaana uu si adag ugu  yidhi: “ Isii deynta aan kugu lahaa Muxamadow, waxaa tihiin reer banii Haashim qoom dadka meer meeriye”.

Waxaad ku meer meerisaan bulshada deynta bixinteeda. Rasuulka Allah (csw), wuxuu ahaa mid faraya in waxoogaa dirhama la siiyo Yahuudiga, laakiin lama gaadhin balanta deyntaasi la bixin lahaa.

Waxaa istaagay Cumar Ibnul Khadhaab (rc), isagoo ruxaya seeftiisa, wuxuuna ku yidhi Rasuulka (csw): “ Rasuul Alloow ii ogoloow inaan qoorta ka jaro ninkan”.

Rasuulka ayaa Cumar ku yidhi: “ Waxaad fartaa isaga inuu si wanaagsan ku codsado deynta, anigana waxaad i fartaa inaan si wacan u guto deyn bixinta”.

Ninkii Yahuudiga ahaa isagoo la yaaban hadalkaas ayuu ku yidhi Rasuulka (csw):” Allihii xaqa kugu soo saaray ayaan ku dhaartaye, umaan iman inaan kaa dalbo deynta, hase yeeshee waxaan u imi inaan imtixaamo akhlaaqdaada, waana ogahay in balantii deynta aan weli la gaadhin.

Laakiin tilmaamahaaga waxaan ka akhriyay Towraad , hal tilmaan oo ii hadhsan waa dulqaadkaaga, oo ah in  cadhada qofku ay adiga ku sii kordhinayso dulqaad.  Waana aan ku rumeeyay, markii uu Islaamay ayuu raaciyay dayntii aan kugu lahaan waan ka dhaafay”.

 

Leave a Reply