Halkay Marayso Hawsha Dhismaha Jidka Balli-gubadle iyo Hargaysa

0
746

Hargaysa (Dawan) – Maxamed Nuux Jibriil, afhayeenka gudida dhismaha wadada isku xidha Baligubadle iyo Hargeysa oo la hadlay warbaahinta Qaranka, ayaa ka warbixiyay halka ay marayso dhismaha waddadaasi.

Maxamed Nuux Jibriil, waxaa uu sheegay in wadadaasi laamiga la dhigay 13, kilo mitir halka carro tuulkana ay dhigeen 43, kiilo mitir dhamaystirka wadadaasina ay ka dhiman tahay oo kaliya 8-kiilo-mitir.

Afhayeenka guddida dhismaha waddada isku xidha Bali-gubadle iyo Hargeysa, waxaa uu bulshada qurba joogta ah iyo kuwa kaleba ugu baaqay in ay ka soo qayb qaataan dhismaha waddadaasi oo isku xidhaysa Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in dhismaha waddadan ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo xukuumadda Somaliland, isaga oo u mahad naqay wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay wasaaraddu ka qayb qaadatay dhismaha waddadaasi.

 

Sawirka jidka isku xidha Hargeysa iyo Baligubadle oo meel fiican maraya

Leave a Reply