Xikmadaha

0
1373
  • Biyuhu aad ayay u jilicsan yihiin laakiin dhulka way jeex jeexaan, waxay sidoo kale qaadaan geedaha waaweyn iyo dhagaxanta buuraha. Maraakiibta iyo doonayahana way dejiyaan.  Arrimahaasi waxay ku tusayaan in debecsanaan iyo dhibirsanaan aad kaga guulaysan karto arrimo adag.

 

  • Ogow guusha ay gaadhaan dadka kale in aanay ahayn adiga guuldaradaada, laakiin guushaadu ay ku xidhan tahay dedaalkaaga, dulqaadka iyo sabirka. Weliga haka xumaan guul uu gaadho qof kale, maxaa yeelay adiguna waad gaadhi kartaa, haddii aad marto jidka uu maray ama mid ka dhow.
  • Sabirku waa sida aad u dhaqanto inta aad ku jirto waktihaga adag.
  • Dadka waxa la ogaaday inay ugu naxariis badan yihiin kuwa soo arkay cidlada iyo dhibaatada, kuwa murugada soo arkay ayaana ugu dhoola cadayn badan. Ogow dadka dhibaatada iyo jabka badan soo marayna waa kuwa ugu dulqaadka badan ee bixiya jacaylka naxariista badann iyagoo dareemaya dhibta haysata qofka kale.
  • Murugada wakhtigani waa kasbashada aqoon aan xikmad lahayn.

Leave a Reply