Baddaha iyo Waxtarkooda Guud iyo Gaar ahaaneed ee ay Bani’aadamka u Leeyihiin

0
86

Badda iyo waxtarkeeeda Haddii aad u fiirsatid oogada dhulka aan ku nool nahay, waxaa ogaaneysaa in 75% ay tahay biyo ama bad, dhinac kasta nooga wareegsan. Badahu ma ahan kuwo kala go’an ee waa badweyn qura, oo qeybaheeda kala duwan loo bixiyay magacyo kala duwan, sida : • Badweynta Hindiya • Badweynta Atlaantikada • Badweynta Basifikada • Badweynta Artikada Badahina naga xigaan afarta jiho, oo kala ah:- • Bari • Koonfur • Galbeed iyo • Waqooyi Baddaha waxay ka abuurmeen duufaantii lagu halaagay qoomkii Nebi Nuux ee la odhan jiray reer binu Rasiis, ka dib markii laga quustay inay nabigii loo diray ee Nuux (Cs) rumeeyaan, sida ahlu siiruhu sheegayaan, waana biyihii ka soo burqaday samada, balse dhulka waxaa la amray inuu liqo biyahiisa, waxaana la tilmaamay in biyuhu weli muuqato cadhada ay u qabaan qoomkii loo soo diray. Sidoo kale, badduhu waxay u leeyihiin nolosha dunnida, gaar ahaan nolosha bani’aadamka, waxay u yihiin marin ama waddo lagu safro marka la isugu gudbayo dunnida daafaheeda. Baddaha waxaa laga helaa, cunto iyo kheyraad kale sida macdan iyo shidaal. Baddaha ka faa’iideysigooda wuxuu u baahnan yahay aqoon iyo qalab casri ah oo lagu soo saaro kheyraadka kale duwan ee ku jira. Marka aanu qofku xidhneyn qalabka muquurashada, wuxuu biyaha ku dhex jiri kara laba ilaa saddex daqiiqo, mana gaadhi karo meel fog ama qoto dheer. Hase yeeshee, waxay saynisyahannadu isticmaalaan qalab ka caawiya qofka muquurashada badda, oo u oggollaanaya in uu gaadho meelqoto dheer, muddo dheerna ku jiri karo badda gunteeda, si ay waxyaabo badan u soo fiirsadaan, oo aqoon uga soo kororsadaan.qalabka maquurashada waxaa ka mid ah mid qofka u suura gelinaya inuu gaaro meel qotadeedu gaareyso ilaa 250 fuudh ah, qalabkani wuxuu ka kooban yahay laba taangi oo soo gaarta qofka muquuranaya, qofku wuxuu kaloo xidhaa muraayad ballaadhan, oo si wanaagsan wax uga arki karo biyaha dhexdooda, raga muquurta waxay kaloo xidhaan kabo af ballaadhan, oo usuuro gelinaya inay si howl yar oo dhaqso leh u dabaashaan, Haddii qabow yihiin ama meel dheer gaadhayo, waxay xidhaan lebis rabadh ah ama gudmo ah oo dhaxanta ka celinaya. Inkastoo qalabka muquurashadu uu qofka dabaalyahanka ah u suura gelinayo inuu muddo dheer badda dhexdeeda ku jiro, haddana maaha muquurashadu wax sahlan sida loo maleynayo. Mowjadaha hirarka baddu, waa biyo socda oo sida kuwa togagga u dhex mara badweynta, qaar wey qabow yihiin, qaarna way diiran yihiin marka loo eego biyaha badweynta ay dhex marayaan. Tamarta ay u socdaan waxaa la sheegay inay ka helaan qorraxda iyo dabeysha. Dadka xeebaha deggani waxay arkeen in 24-kii saacba laba jeer baddu soo buuxsanto, laba jeerna caarido, heerka buuxa iyo caariga ee ay gaadhaan kala duwan yahay heerkii shalay uu gaadhay buuxu ma gaadho maanta. Sidoo kale, caadhiguna ma gaadho heerkii shalay ka maanta. Dadka xeebaha deggani waxay arkaan in labadii toddobaadba mar uu gaadho buuxa iyo caarigu heerkii ugu sarreeyay iyo heerkii ugu hooseeyay waxayna ku sheegeen inuu yahay marka dayaxu dhan yahay afar iyo tobanka. Baddu waxay tahay, deegaan aad ugu haboon nolosha noolaha, waxay leedahay macdan badan, heerkul haboon iyo hawo ku Milan biyaha, taasina waxay suurta gelineysaa inay baddu ku noolaadaan noole tiro badan oo kale jaad jaad ah oo dhir iyo xayawaanba leh. Dhirta iyo xayawaanka badda ku nool badankooda, waxa laga helaa caariga agtiisa iyo badda hareeraheeda iyo inteeda sare, Sidoo kale, badhtamaha iyo gunta badda, waa laga heli karaa dhir iyo xayawaanno badan oo aan u ekeyn kuwa ku nool badda inteeda sare. Badda inteeda sare, waxaa ku nool nooleyaal fara badan oo isugu jira dhir iyo wayawaan aadna u yaryar, oo badankooduna indhaha oo qaawan lagu arki karin, waxaana guud ahaan lagu magacaabaa (Sacaaf) noolahani malaha awood uu ku dabaasho, waxay raacaan hirarka maayada badda, kuwaasoo hadba meel geeya. Noolahani, xagga qaabka aad ayey u kala geddisan yihiin, oo qaarkood waxay u egyihiin bil, qaar kalena sida kubadda , kuwo kalena way dhuu-dhuuban yihiin ama isku xidhiidhsan yihiin. Sidaa iyo si la’eg ayuu xajmigoodu u kala duwan yahay, qaar aad u yar-yar, kuwo dirxiga le’eg iyo kuwo kalluun ballaadhan ah. Noolaha waaweyn ee baddu, waxay dhammaantood cuntada ka helaan Sacaafka biyaha badda inteeda sare kunool, qaar si toos ah ayey u cunaan Sacaafka naftiisa, kuwa kalena waxay cunaan xayaawaanka iyaga cuna sacaafka, tusaale- kalluunka yar-yari wuxuu cunto u yahay kalluunka waaweyn oo uu ku jiro Nibirigu. Baddu waa keyd Cunto Marka laga soo billaabo waqtiyadii hore, dadku wuu qabsan jiray oo cuni jiray kalluunka iyo noole kaleba ee badda laga helo. Waqtigan casiriga ee maanta waxaa la ogaaday waxtarka iyo kheyraadka kale duwan ee badda ku jirta, waxaa la helay qalab casri ah oo sahlalya ka faa’iideysiga badda oo markii hore ku billowday ku safridda iyo isugu gudbidda qaarad illaa ka qaarad kale iyo ganacsiga maraakiibta, waxaa la sameeyay Maraakiib warshado oo kalluunka jillaabta, warshadeeyana, waxaanay dunnidu maanta tartan ugu jirtaa ka faa’iideysiga khayraadka badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here