Kalluunka iyo Kalluumaysigu Sidee ayay u Saameeyaan Nolosha Aadamaha?

0
702

Kalluunka ayaa ah cuntada koowaad ee Proteinka laga helo taasi waxay keentaa in qofku haddii uu si sax ah u isticmaalo keenta in xadiga dufanka ee dhiiga ku jirta uu ka caawiyo, siiba waxaa lagula talinayaa inay aad u cunaan kalluunka uu maadada OMEGA 3 FATTY ACID ay ku badan tahay taas bedelkeedana haddii uu qofku aad ubadsado waxay keentaa in uu aad kor ugu kaco Dufanka dhiigu.

Sidoo kale kalluunka oo ah mid ka mida cuntooyinka caalamka loogu isticmaalka badan yahay oo dalka Somaliland hodan ku yahay ayaa nasiib daro aanay jirin hal waddan oo caalamka ah ama Afrika ah oo loo iib geeyo. Iyada oo dalka Ethiopia oo shacabkiisu gaadhayo sagaashan milyan aanay lahayn bad. Sidaas darteed na uu noqon karo saylad wayn oo loo iib geeyo kalluunka ay sida wayn ugu baahan yihiin.

Haddii aad halka hilibka kalluun ka cunto, waxa aad ka helaysaa in badan oo duxda caafimaadka leh ah , xaydha iyo duxda aan caafimaadka u fiicnayna way kaa yaraanaysaa. Dhamaan noocyada kalluunka iyo xayawaanka qolofta leh ee baddu , caafimaadka way u fiican yihiin, xataa kalluunka barafaysan iyo ka daasadaha.

Kalluunka waxa lagu tilmaamaa cunto asaasi u ah kobaca maskaxda aadamaha waxaana ku jira saddex maaddo oo loo yaqaano OMEGA3 oo si weyn uga qayb qaata korriinka maskaxda, maadooyinkaani waxa ay hoos u dhigaan xaddiga badan ee dufanka ah ee dhiigga raaca, kuwaasi oo dhibaato caafimaad sababa.

Leave a Reply