Laascaanood: Kiisaskii U Horeeyay Ee Covid-19 Oo La Helay iyo Fariinta Isu-duwaha Caafimaadka Sool

0
469

Laascaanood (Dawan): Kiisaskii u horeeyay ee caabuqa Coronavirus ayaa laga helay gobolka Sool, iyadoo la shaaciyay in laba qof oo xanuunkaasi haleelayay lagu arkay magaaladda Laascaanood.

Tiradda dadka laga helay caabuqa Coronavirus ayaa ah laba qof, iyadoo labadda qof la daawaynayo oo ay xaaladoodda si dhaw ula socdaan dhakhaatiirta iyo kooxaha loo diyaariyay la tacaalida dadka uu haleelo caabuqaasi.

Sidaasina waxaa shaaciyay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool, ahna guddoomiyaha guddiga gobolkaasi ee  la dagaalanka faafintaanka Covid-19,  Dr. Maxamuud Xaaji Khaliil.

Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaaladda Laascaanood guddiga la tacaalida faafitaanka Coronavirus ee gobolka Sool.

Dr. Maxamuud Xaaji Khaliil, ayaa sheegay in aanay weli bulshadda gobolka Sool u hogaansamin fariimaha iyo awaamiirta guddiyadda la dagaalanka Coronavirus, isla markaana ay weli sidii hore isugu soo ururayaan makhaayadaha, masaajidadda iyo goobaha bar-kulanka ah.

Waxaanu dadweynaha ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka guddiyadda iyo bahda caafimaadka, isla markaana cidii dareenta in ay isku aragto calaamadaha xanuunkaasi in ay la soo xidhiidhaan xarumaha caafimaadka.

Waxaanu yidhi, “Waxaa jirta, in aanay weli bulshadu baraarruga iyo wacyigelinta xanuunka Coronavirus qaadan.

In Makhaayadaha la fadhiyo, masaajidadda lagu tukanayo, goobaha lagu shaaho weli la isugu imanayo. Weli ay bulshadu samaynayaan tacaamulkii hore.  Waxaana muuqata in aanay weli bulshadda baraarrugeedu sax ahayn”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan halkan u marinayaa bulshadda gobolka Sool, in kiisaskii ugu horeeyay Laga xaqiijiyay. Waxaanan doonaynaa in bulshadu ay taxaderaan, oo ay dhegaha u weeleeyaan fariimaha ka soo baxaya guddiga iyo wasaaradda caafimaadka, iyo dhakhaatiirta” ayuu yidhi Dr. Khaliif.

Geesta kale Dr. Maxamed Xaaji Khaliif, ayaa faahfaahin ka bixiyay labadda qof ee xanuunka laga helay iyo meelaha xaaladoodda lagula tacaalayo.

Waxaanu yidhi, “Labadaa kiis  waa la daawaynayaa. Meel gaar ah, oo bulshadda kale ka gaar ahna waa lagu daawaynayaa.

Xaaladoodda caafimaad-na, dhakhaatiirta iyo kooxaha caafimaadku aad ayay ula soconayaan. Waanay wanaagsan yihiin xaaladoodda caafimaad”.

Dhinaca kale Dr. Xaaji Khaliif, waxa uu sheegay in weli dadku ay cabsanayaan, isla markaana ay qarsanayaan haddii ay dareemaan calaamadaha xanuunka Covid-19.

Waxaanu ugu baaqay dadweynaha in qofkii iska shakiya meesha uu doono ha joogee in ay kooxaha caafimaadku ugu imanayaan.

“Weli waxaad moodaa in dadka ay cabsiyi ku jirto, oo ay dadku xanuunkii qarsanayaan, oo ay guryaha ku haystaan. Arrintaana waxaan leeyahay waa in laga waantoobo. Ha qarsanina xanuunkan, haddii aad iska shakidaan, aad hay’adaha u xil saran la soo xidhiidho, gurigaaga ayaa laguugu imanayaa.

Ama miyi joog ama magaallo joog, goobta aad joogto ayay kooxaha caafimaadku kuugu imanayaan. Haddii ay tahay habeen iyo haddii ay tahay maalin-ba” ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool.

DAAWO: isu-duwaha oo arrimahaa Faahfaahinaya:

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply