Ceel-Afweyn: Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Qabatay Dhir Qoyan Oo La Jaray

0
531

Ceel-Afweyn (Dawan): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa degmadda Ceel-Afweyn kula wareegtay dhir qoyan oo la soo jaray oo laga soo rarray deegaanka Dararweyne  ee gobolka Sanaag.

Dhirtaasi oo la doonayay in loo isticmaalo Xaabo ahaan ayaa ahayd mid qoyan, taasoo lagu siday baabuur nooca xamuulka ah, maadaama ay jarista dhirta qoyan mamnuuc ka tahay Somaliland.

Waxaana ka wada shaqeeyay soo qabashadda dhirtan qoyan ee Xaabadda laga dhigayay masuuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee degmadda Ceel-Afweyn iyo odayaasha deegaankaasi.

Iyadoo goobtii lagula wareegay dhirtaasi qoyan ee  la soo jaray uu goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiirka Cadaaladda Mustafe Maxamuud Cali, iyo wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Wasiirka deegaanka Somaliland oo ka hadashay meeshii dhirtaasi qoyan ee  la soo jaray lagula wareegay ayaa sheegtay in tallaabo laga qaadi doono cidii lagu soo qabto iyadoo jaraysa dhir qoyan.

Waxaanay wasiirku digniin u dirtay dadka ku hawlan arrintaasi oo ay uga digtay in haddii lagu qabto sharciga la marsiin doono.

Dadkii dhirtan qoyan ee la soo qabtay jarayay ayay wasiirku sheegtay in ay baxsadeen, ka hor intii aanay ciidamadda boolisku goobta gaadhin.

 

Waxaanay tidhi, “Waxaan u mahad celinayaa ciidamadda qaranka ee fadhigoodu yahay deegaanka Ceel-Afweyn, iyo cuqaasha iyo dhamaanba intii ka qayb qaadatay in la soo qabto baabuurkani geedaha qoyan ee la jaray lagu soo rarray”.

Shurki Baandare, waxa kaloo ay sheegtay in ay ku dedaalayaan sidii loo soo ururin lahaa, loogana hawl-geli lahaa dhamaanba meelaha ay yaalaan dhirta qoyan ee la jaray.

Waxaanay tidhi, “Waxaanu ku dedaalaynaa in aanu laban-laabno meelaha faraha badan ee la dhigay Xaabadaasi, in laga soo ururiyo, si uu dadkii soo jaray dhirtaasi tab qasaar u noqdaan”.

Geesta kale wasiirka deegaanka Somaliland ayaa kula dar-daarantay guud ahaanba ummada reer Somaliland in ay meel uga soo wada jeestaan sidii loo ilaalin lahaa dhirta.

Maadaama oo ay dhirtu tahay khayraadka keliya ee ay haystaan bulshadu. “Waxaan u sheegayaa ummada reer Somaliland, waxa keliya ee aayo ah ee aynu haysanaa waa dhirtaasi.

Waana khayraadka keliya ee aynu haysano. Sidii aynu u bad-baadsan lahayn dhirta, ee aad ula dagaalami lahaydeen dadkan jaraya, falawgeed qabta” ayay tidhi wasiirka deegaanku.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply